Arday Waxbarasho dhammeystay oo lagu abaalmariyay magaalada Borlänge

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinayay dad wax fiican sameeyay oo ku nool dalka Sweden, gaar ahaan arday-borlange-1magaalada Borlänge ayaa lagu qabtay magaaladaas, iyadoo xafladdana ay ahayd mid ay ka qeybgaleen inta badan oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaas.

Xafladda oo lagu qabtay Xaafadda Tjäna Angar ee degmada Borlänge ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Dugsiga Tayo Stduiecirkel, waxaaney xafladda ka koobneyd seddex qeybood oo kala ah: 1- Shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay arday dhammeysatay barashada gaadiid-kaxeynta, isla markaana ku guuleystay in ay qaataan ruqsadda gaadiid-kaxeynta ama Leesinka 2- Qeyb lagu haddiyado lagu guddoonsiiyay Arday ka qalin-jebisay dugsiyada sare ee magaalada Borlänge 3- iyo ugu dambeyntii qeyb billado iyo koob lagu guddoonsiiyay labo kooxood oo ku tartamay koob loo dhigay in lagu maamuuso ardayda ka qalin-jebisay Dugsiyada sare ee Magaalada Borlänge, iyadoo koobkaasna la siiyay hal-ku-dhig ah Xuskii Waxbarashada iyo dhiirigelinta dhalinyarada.

Intii ay socotay munaasabadda waxaa ka hadallo qiimo leh ka jeediyay waxgarad kala duwan oo ka kala socday qeybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Borlänge, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqeen in ay muhiim tahay waxbarashada nooc kasta oo ay tahay haddii ay ahaan lahayd midda afka Swedish-ka iyo weliba tan barashada sharciyada leesinka.

Waxgaradkii ka hadlay munaasabadda ayaa marka laga soo tago in ay u mahadceliyeen Aas-aasaha Dugsiga Tayo Studiecirkel Macallin Saciid Siyaad ayaa waxay dhanka kale muujiyeen sida loogu baahan yahay in waalidiinta ay garab siiyaan caruurtooda si ay ugu aflaxaan waxbarashada, isal markaana aysan u noqon kuwo ku dhex luma bulshada Swedish-ka ah ee ay la nool yihiin.

Waxaa kale oo xusid mudneyd in laga dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed meel ay caalamka ku nool yihiinba ay yihiin safiirro sida dhambaallo ka tarjumaya dad Soomaaliyeed, dhaqan iyo diin ahaan, sidaas darteedna ay muhiim tahay in sawirrada laga dheexdo dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo fiican oo dhanka xun ka turjumeynin.

Magaalada Borlänge ee Gobolka Dallarna ee dalka Sweden ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida ugu badan Sweden, waxaana magaaladaas noqotay magaaladii ugu horreeyay oo ay dadka Soomaaliyeed ka billaabaan in afka Soomaaliga lagu barto sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dalka Sweden uu ka mid yahay waddamada ugu sharciyada adag marka ay timaado gaadiid-kaxeynta.

Intii ay munaasabadda socotay ayaa waxaa abaal-marinno la siiyay ardaydii ka qalinjebisay dugsiyada sare iyo kuwii ka baxay dugsiga barashada sharciyada gaadiid-kaxeynta, waxaana abaal-marinnadaas bixiyay Maxamed Abuukar iyo Axmed Bari oo iyagu qeybtaas u xilsaarnaa.

Dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Inj. Abuukar Shiikh Xasan, Axmed Shiil, Mursal Ciise, C/qaadir Cagma-dhige, Muuse Dhiilow, Macallin Fanax iyo Valbone Shala oo socotay degmada Borlänge, waxayna dhammaantood madasha ka jeediyay hadallo qiimo badan oo isugu jiray. Sidoo kale waxaa tix gabayo ah ka soo jeediyay Macallin C/llaahi Indhayare iyo Abshir Dheere.

Sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyay arday ay ka mid ahaayeen Maslax Muuse Dhiilow, Iimaan Cusmaan Fariid Buux, iyadoo sidoo kalena ay majaajillo qosol badan oo waxbarashada ku saabsan soo bandhigeen ardayda kala ah Axmed Cusmaan, Zaki Cumar, Yaxye Cusmaan iyo Muno Maandeeq.

Dugsiga Tayo Studeicirkel oo la aas-aasay sanadkii 2010 ayaa tan iyo markii laga billaabay barashada sharciyada gaadid kaxeynta ayaa waxaa ka qalin-jebiyay 8 dufcadood oo tii ugu dambeysay shalay xaflad loo sameeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

 

arday-borlange-1

arday-borlange-2

arday-borlange-3

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Madka says:

    Asc aad baan ugu faraxsana xaflada tan waana muhiim. Su;aal ayaan doonayaa in aan ku weydiyo bro waxaad noo soo qortay in sharci cusub ka soo baxay daski lagu heestay 2 sano maxaa keenay in weli diidmada waalidiinta sii socoto aad isleedahay? Mida kale warbixin nooga keen bro

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. daysane says:

    walal jimcale ma ahan in aad dadka quursato warbixinti aad soo qortay ee 2 sano ayaa su’aal kaa waydinay marar badan maxaa ugu jawaabi la’dahay warki aad soo qortay ma wuxuu kaa ahaay iska qor oo halagaa sheego mise war qabyo ayaa maqashay oo wali soo bixin misane aad ku dagdagtay noo kala cadeey ilaah ayaa kugu dhaariyay walaalow warkan murugu hor leh ayu na galiyay fadlan fadlan fadlan noo jawaab wsc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. ifka says:

    SAC to walalken jimcale walal dadkan kunka jeer wax ku weydiinaya u sheeg waxay ku waaydiinayan waayo adiga aya ku dhama xaagaa xoog ogaalka waxad ku oraan karta walalayal aniga wan heay qoralka wana sogudbiyay ruuntii wan amiisanahay adigu been ma soqorin laakiin umadaan ku xiiran webkaga qancii ilah ha ku qaanciiye

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. mowliid says:

    asc ARIBKA 2SANO DHIBKIISU WUU BATAY WALINA DIIDMO AYAA SOCOTA MARKAA 15AUGST WAXA JIRA JIRA SHIR BALAADHAN OO ARINKA DADKA DHIBKU HAYTSO AY LA KULOMAYAAN HAAYADO CAALAMIAH HA LAGA SOO QAYB GALO WIXII FAAHFAAHIN AH KALA XIDHIIDHA 0767413038

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  5. Amina says:

    Asc wan idin salamay dhaman akhyarta ku xiran website ka garahaan walal mawliid dadka dhibataysan waxanka codsanayaa ineey su.aalaha kadhafan jimcale waxan rabnaa insha Allah inaan hortagno dadka kashaqeya arimahan iyo kuwa idooda xaquuda adamiga waxa larabaa ineey isdiwan geliyaan dadka dhibataduhaysato waxa laydinkarabaa ciwaankiina SMS igu dira 0767413038 insha Allah maalinta lahortegayo dadkan waxad rabtan kaga ciilbaxa afkina hooyo iyo Svenska waxan dib idinka sooshegaynaa adress ka lagubalamy 15 augusti sacaduwaa 13. arinta dadka kayabisay waa hooyo ilmeheedii lagarebay dadka arintaa qusayso isdiwangeliya waxa lahorgeynayaa dadka udood xaquuqda adamiga walalyaal wadashaqanwanagsan insha Allah ascwrmatulaahiwabrkatu

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  6. Daysane says:

    To= Amina walaal marka hore waad mahadsan tahay diyaarna wa u nahay inan xaqena soo dhacsano lkn hadalkada waxa ka gartay in warka jimcaale soo qoray u been ahaay sababto ah waan ku kalsoonen jimcale lkn warkisa adiga ben ka dhigay oo yiri aan xaqena soo dhacsano isna wuxu so qoray dadki 2sano waa la cafiyaya marka dadow suaasha taagan ayaa ah 2sano waa la cafiyay iyo xaqena an dhacsano waxay la mid tahay warki hore been ayuu ahaay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. shukriya says:

    jimcaale dadka sinkalka ah maxa laga yelayaa qofki warka hayo ha ii sheego thnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Amina says:

    Asc.Daysane walal jimcale waxan wacnay naglashaqaysa waxaytiri taas waxbakam ogi malaha jimcale warkisa weli masoo shacbixin insha Allah wansugayna warkisa dhab u, akhri wuxuu yiri waa war.aansihoose uhelay marka wansugaynaa intuu sooshacbaxayo waxan qabsankaro waa inaansameynaa waxa inalashaqynaysan naag ladhaho Anna waxay udooda dadka dhibataysan waxayka shaqaysaa lanta socdalka aniga warka jimcale wan khayraystay jidkukusoojiraa insha Allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. daysane says:

    waa gaartay amina mahadsanid ok waxa dhahday jidku kuso jira hadi uso shaac bixin ma aheyn in uu nooga dhigo in xayiraadi la qaaday sx

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. daysane says:

    tan kale aan kugu daro aamina jimcale warkisa waa kana
    ( Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa noo soo gudbisay macluumaad ku saabsan isbedalka lagu sameeyay aragtida ku aadan shuruuda labada sano.)
    jimcale muusan dhihin war si hoose noo gaaray warbixintaas tii hore ayay aheyd tan wuxuu nooga dhigay mid ay laanta socdaalka usoo gudbisay isaga iyo dadka la shaqeyo oo aan u heestay markii hore Lena Rössel inay warkan usoo dirtay jimcaale basle marki Lena la waydiyay ay tiri arintan waa qorsho socdo aana soo bixin wali marka arinta is waydin mudan aya waxay tahay jimcaale muxuu y cadeyn la yahay warkan ilen ( RUN IYO ILKABA WAA LA CADEEYAA ) jimcaale waxan ku ogaa in uu ahaay nin wixii la waydiyo dhaqsaba ugu jawaaba lkn xaalada ay markan ku xumaatay wlhi wax xumaan uma qabo walalken jimcaale qeyr alaha siiyee lkn niyad jab wayn ayuu na galiyay inagoo faraxsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0