Arinta labada sano iyo aamusnaantayda

46

Waxaan filayaa in qaar badan oo ka mid ah akhristayaasha Somaliska.com ay ka daaleen su’aalaha ku saabsan shuruuda labadasuaal sano ee ay Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ku xirtay qaar ka mid ah familada Soomaalida. Waxaan sidoo kale filayaa in qaarkiin aad isleedihiin Jimcaale waa islaweynyahay oo muhiimad siin maayo in uu ka jawaabo su’aaaha.

Balse xaqiiqada ayaa waxay tahay in qaar badan oo ka mid ah su’aalaha ay akhristayaasha ku soo qorayaan qeybta fikradaha ay yihiin kuwo ama horey looga jawaabay ama aan jawaab loo hayn. Sida aad la socotaan anigu uma shaqeeyo Laanta Socdaalka Sweden isla markaana ma ogaan karo kiiska qaaska ah ee qofkasta u yaala. Waxaan ogohay waa wixii ay Laanta Socdaalku noo sheegaan ama wixii aan ka soo dhagadhageeyo ilaha ku dhowdhow.

Isbuucii hore waxaan soo qoray mowduuc ku saabsanaa “Laanta Socdaalka oo soo daabacday isbedalka lagu sameeyay shuruuda labo sano”. Dadka qaar ka mid ah ayaa soo qoray in aan anigu soo abaabulay oo aysan ahayn arin jirta , qaar kalena waxay u fahmeen qalad arinta laga hadlayo. Warbixintaas waxa ay ku saabsanayd Laanta Socdaalka oo shaacisay aragtideeda ku aadan arinta labada sano ee ma ahan SHARCI CUSUB oo ay soo saareen. Waxaa kale oo muhiim ah in aan si waadix ah u cadeyno in warbixinta aan idin soo qoray ay tahay mid loogu tala galay SHAQAALAHA laanta Socdaalka oo ku aadan sidii ay ula dhaqmi lahaayeen dadka ay qabsatay shuruuda labada sano. Muhiimada warbixintaas oo aan anigu XAQIIJIYAY ayaa waxay tahay in dadka caruurta leh laga qafiifiyo ama aan lagu xirin shuruuda mudada wadanoolaashaha. Taas oo macnaheeda yahay in dadka caruurta leh laga yaabo in aan guud ahaan lagu xirin in ay horay u wada noolaayeen mudo iyadoo la eegayo danta caruurta.

Si kastaba ha ahaatee waxaad la socotaan in Laanta Socdaalku ay tahay haayad weyn oo aysan war iska hayn shaqaalahooda, waxaa laga yaabaa oo marar badan dhacday in shaqaalahooda ay gaaraan go’aamo isqilaafsan ama guud ahaan ka soo horjeeda shuruucda u degsan wadanka.

Muhiimada mowduucaan waa in aad ogaataan in aanan ahayn qof isla weyn isla markaana aan siinayn muhiimad suaashaada balse ay jiraan sababo kalifaya in aanan ka jawaabi karin qofkasta su’aashiisa. 1. Waxaa badan mashquulkayga oo inta aan akhriyo suaal kasta oo aan ka jawaabo waqtiga iima saamaxayo, 2. Marar badan jawaab uma hayo su’aashaada. 3. Dadka qaar waxay waydiinayaan su’aalo jawaabteeda ay ka heli karaan haddii ay bogga akhriyaan. Waxaan kale oo markale ku celinayaa in ay muhiim tahay in akhristayaasha laftooda ay is caawiyaan oo qofkasta macluumaadka uu hayo la wadaago bulshada.

Qofkii doonaya in uu akhristo warbixinta ku saabsan turjumaada Laanta Socdaalka ee shuruuda labada sano waxa uu ka hei karaa fileka aan soo galiyay halkaan. Akhri bogga 10-aad qeybta 3 iyo 4.

https://docs.google.com/file/d/0B9z3e6zpiT3-Z2V0cC1pQmk1XzQ/edit?usp=sharing

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here