Arinta mideynta reeraha Soomaalida oo lagu soo qaatay TV4 [Video]

29

Arinta mideynta reeraha Soomaalida ayaa xalay si weyn loogu soo qaatay wararka TV4 iyadoo wareysi lala yeeshay Mikael Ribbenvik oo ah sharciyaqaanka Laanta Socdaalka uu sheegay in dowladu ay qaadatay waqti dheer.

Ribbenvik ayaa sheegay in saameynta ka dhalan karta kala maqnaashaha familada ee waqtiga dheer kala maqan ay dhalin karto cawaaqib aan macquul ahayn. Asagoo intaas ku daray in abaaraha ka jira geeska Afrika ay xaalada ka sii dhigayaan mid deg deg ah.

Dhinaca kale, Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet oo heshiis ku saabsan arimaha socdaalka la gaaray dowlada bilowgii sanadkaan ayaa sheegtay in arintaan ay ahayd arimaha ugu muhiimsanaa heshiiska sidaa darteed heshiiskaas uu fashilmayo haddii aan wax laga qaban arinta mideynta reeraha Soomaalida.

Lena Sundström oo ah wariye u shaqeeysa TV4 isla markaana si fiican ula socota arimahaan ayaa sheegtay in dhibaatada lagu haayo Soomaalida lagu tilmaami karo “Cunsuriyad iska cad”.

Wasiirka Socdaalka ayaa markii arimahaan ay Lena Sundström wax ka waydiisay sheegay in aysan jirin wax cusub oo ku saabsan arimaha Soomaalida.

War Cusub: Fredrik Federley oo ka tirsan xisbiga Dhexe ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga wax looga badalo marka baarlamaanka uu furmo dowladuna ay isku raacsantahay arintaas.

 

Nyheterna%2019:00

Federley:%20Lagen%20m%C3%A5ste%20%C3%A4ndras

Somaliska%20barn%20har%20r%C3%A4tt%20till%20sina%20f%C3%B6r%C3%A4ldrar

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here