Arintii odayaasha Soomaalida oo gaadhay baarlamaanka Sweden

4

Isbuucii hore waxaan soo qornay in booliska lagu dacweeyay ururka Odayaasha Soomaalida Borlänge iyo shirkada Dalatrafik kuwaasoo lagu eedeeyay in ay bilaabeen shaqo waardiye oo aysan fasax u haysan. Dacwada ayaa waxaa ka dambeeya maamulka gobolka (Länsstyrelsen) oo aaminsan in Odayaasha Soomaalida aysan sharci u haysan in ay amaanka sugaan.

Hadaba dooda ku saabsan odayaasha Soomaalida ayaa sii kululaatay, iyadoo isbuucaan uu mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Sweden oo lagu magacaabo Carl-Oskar Bohlin uu la saftay odayaasha, isaga oo dacwad ka gudbiyay maamulka gobolka (Länsstyrelsen). Dacwadaas ayaa waxaa loo gudbiyay Gudiga Cadaalada ee baarlamaanka (JO, Justitieombudsmannen).

Xildhibaanka ayaa ku doodaya in Maamulka gobolka aysan sharci u haysan in ay dacweeyaan Odayaasha Soomaalida. Carl-Oskar Bohlin ayaa sheegay in uu filayo in la cambaareeyo ficilada maamulka gobolka isla markaana ay dib ula noqdaan dacwada ay ka gudbiyeen odayaasha Soomaalida.

Dacwadahaan is-dabayaala ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ay qalalaase ka abuureen basaska ka shaqeeya magaalada Borlänge dhalinyarada Soomaalida ayaa shirkada Dalatrafik waxay bilowday wada-shaqayn ay la yeelanayso ururka odayaasha Soomaalida Borlänge (somaliska PRO-föreningen), iyagoo iska fasaxay waardiye ay horay lacag ugu siin jireen sugida amaanka basaska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here