Inkastoo magaca soomaali ee dalkaan Iswiidhan mudooyinkan dambe noqday mid la dhibsado kolka la soo hadal qaado, taas oo ay sabab u tahay falalka foosha xun ee ay dhalinyarradda magaca soomaali wadata ku kacaan. Islamarkaasina kooxaha xagjirka ah ay ku aflagaadeeyaan barahooda foosha xun.
Haddaba magaaladda Uppsala ee dalkaan Iswiidhan, ayaa waxaa ganaax iyo shaqo ka erin la iskugu daray haweeney askariyad ah oo sanadki ina dhaafay gacanta ku soo dhigay wiil dhalinyarro ah oo soomaali ah, kaas oo la sheegay inuu wax dhacayey. Haweeneydan askariayda ah iyo mid kale oo la socota ayaa si fool xun ula dhaqmay wiilkaasi soomaaliga ah ee falka xatooyo lugu soo qabtay.
Muuqaal fiidyoow ah oo boolisku baayey ayaa waxaa laga arkayey sida naxariis darrada ah ee ay ula dhaqmeen wiilkaasi. Ugu dambeyntiina haweeneydan ayaa shaqadeedii ku weeeysa falkaasi tacadiga ah ee ay geeysay wiilkaasi soomaaliga ah inkastoo muuqalka laga maqlayo sida uu ceeytamayo hadana waxaa muuqata in ay adeegsatay awood dheeri ah.
Somaliska.com-Göteborg