Atariisho caan ah oo ka ilmaysay abaaraha Soomaalia [Video]

10

Atariisho caan ah oo ka mid ah kuwa jila filamaanta maraykanka ayaa booqasho ku tagtay xerada dhadhaab ee Kenya taasoo isbuucyadii ugu dambeeyay noqotay goob ay hadalhayaan warbaahinta caalamka. Xerada dhadhaab ayaa la sheegay in isbuucii ay yimaadaan dad gaaraya 10,000 qof oo ka soo lugeeyay Soomaaliya.

Atariishada lagu magacaabo Kristin Davis oo ka mid ah atariishooyinka ugu caansan Hollywood ayaa wareysi ay siineysay BBCda muuqaalka ah waxay joojin waysay ilmada indhaheeda ka socota marka ay ka hadleysay xaalada xerada dhadhaab.

Atariishada ayaa qaasatan waxay ka hadli waysay ilaa in ay ilmayso mooyee mar ay la kulantay haweeney Soomaaliyeed oo cuuryaan ah isla markaana wadata 3 caruur ah oo gaari dameer uga soo qaxday abaaraha Soomaaliya, oo sida ay sheegtay ninkeedii lagu dilay intii ay jidka ku soo jireen.

Halkaan ka daawo videoga http://www.bbc.co.uk/news/entertainment-arts-14105080

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here