Baadari ku taliyay in kaniisadaha la iibiyo ama la burburiyo

13

Nin baadari hore ka ahaan jiray kaniisadaha Sweden ayaa ku taliyay in la burburiyo kaniisadaha aan la isticmaalin. Ninkaan ayaa sheegay in isticmaalka kaniisadaha Sweden ay aad hoos ugu dhacay oo hada ay yihiin qasaare dhaqaale oo kaliya.

Baadarigaan oo lagu magacaabo H.B. Hammar ayaa qaylo dhaan ka muujiyay tirada dadka isticmaala kaniisadaha. Sanadkii 1970 ayaa ku dhawaad 9 milyan oo qof waxay kaniisadaha xaadiri jireen axad kasta halka maanta ay tiradaas ka yartahay 4 milyan. Kaniisadaha ku yaala Sweden oo gaaraya 3,384 ayaa qaar badan oo ka mid ah aysan cidna isticmaalin.

Baadarigaan ayaa sheegay in labo fursadood oo keliya ay furantahay, in la iibiyo kaniisadaha ama in la dumiyo guud ahaantooda. Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la qaato go’aan geesinimo leh waayo masiibo dhaqaale ayaa soo socota.

Arinta uu ka dhawaajiyay baadarigaan ayaa ah mid jirta balse dad badan ay ka leexanayaan xaqiiqada, iyadoo cunsuriyiintu ay ku doodayaan in kaniisadaha loo badalayo Masaajid sida ka dhacday magaalada Flen oo Muslimiinta halkaas ku nool ay iibsadeen kaniisad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here