Baaritaan lagu samaynayo baarayaasha luuqada ee Laanta Socdaalka

7

Ka dib markii uu telefishinka Sweden soo bandhigay fadeexad ku saabsan baarayaasha luuqadaha ee Laanta Socdaalk, ayay hada go’aansadeen in ay baaritaan ku sameeyaan shirkada Sprakab iyo qaasatan mid ka mid ah baarayaasha Afka Soomaaliga oo lagu eedeeyay in uu aqoontiisa been ka sheegay.

Migrationsverket ayaa go’aansatay in baaritaanka ay samayso hay’ada socdaalka ee wadanka Holland taasoo lagu magacaabo INS. Wargeyska Dagens Nyheter ayaa qoray in hay’ada INS ay laftooda ka midyihiin maacaamiisha Sprakab taasoo keenaysa in la dhihi karo in aysan si haboon u baari doonin hawshooda. Ma ahan markii ugu horeysay ee Migrationsverket ay ka dalbato INS in ay baaritaan ku samayso Sprakab iyadoo sanadkii hore baaritaan midkaan la mid ah ay samaysay, iyagoo baaritaan ka dib sheegay in “baaraha luuqada Soomaaliga uu fiicanyahay”.

Byron Törnström oo ka mid ah qareenada caawiya dadka magangalyo doonka ah ayaa ku tilmaamay go’aanka Migrationsverket ay markale ku aamineen INS ay tahay mid lala yaabo.

Fredrik Beijer oo Migrationsverket u qaabilsan arimaha cadaalada ayaa sheegay in ay macquul tahay in INS ay ka midyihiin macaamiisha Sprakab balse uusan doonayn in baaritaanka lagu sameeyo Sweden oo ay sameeyaan shirkadaha kale ee la tartamaya Sprakab.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii ay isbuucii hore soo baxday in mid ka mid ha baarayaasha luuqada Af-soomaaliga ee ay isticmaalaan Migrationsverket uu been ka sheegay dad badan isla markaana uu been ka sheegay waxbarashadiisa ayaa la filayaa in taasi ay keento in Migrationsverket ay dib u baarto kiisaska dadkii uu ninkaan wareysiga ku sameeyay oo gaaraya 5000 qof , qaasatan kuwii diidmada la siiyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here