Baaritaanka lafaha iyo dacwada Sweden

22

Ka dib markii bilowgii sanadkaan la ogolaaday mideynta qaar ka mid ah reeraha Soomaalida ayaa shuruudihii Laanta Socdaalka (Migraitonsverket) ay soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa in dadka laga shakiyo da’dooda loo diro baaritaanka lafaha.

Arintaas ayaa keentay in dadka qaar loo diro baaritaanka lafaha balse aan cidna laga qaadin. Sababta keentay in aan dadka laga qaadin lafaha ayaa loo aanaynayaa in aysan jirin dhaqaatiir si fiican baaritaan ugu samayn karta arimahaan.

Hadaba Laanta Socdaalka ayaa 8-dii bishaan Oktobar waxay go’aan ku gaadhay in ay guud ahaan joojiso baaritaanka lafaha. Warbixinta ay noo soo qortay Laanta Socdaalka ayaa lagu sheegay in dadka aan hada ka dib loo diri doonin baaritaanka lafaha, isla markaana xitaa qofkii loo diro go’aan laga gaari doono isaga oo aan laga baarin lafaha. Waxay intaas ku dareen in ay hada muhiimada siinayaan dadkii hore ee ay u direen baaritaan lafaha in ay go’aan ka gaaraan, qaasatan kuwa caruurtooda ku dhowyihiin 18 sano.

Dad badan ayaa arintaan horay ugu jahwareeray ka dib  markii loo sheegay in baaritaan lafo lagu samaynayo balse mudo dhowr bilood ah aan waxba lagu samayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here