Baarlamaanka Sweden ayaa maanta ka dooday Siyaasada Socdaalka ee Dalka iyo heshiiskii ay dhawaan gaareen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet. Doodaan oo ay codsadeen xisbiga Sverige Demokraterna ayaa lagu badalay dood kale oo maanta qorshuhu ahaa in laga yeesho sharciyada Socdaalka oo la dhaqan galiyo, doodaas ayaa la qaban doonaa 4 May. Dooda ayaa waxaa furay hogaamiyaha xisbiga cunsuriga SD Jimmie Åkesson asagoo sheegay in heshiiska ay gaareen dowlada iyo Miljöpartiet you yahay mid xagjir ah oo wadada u furaya in Sweden ay noqoto meel ay bartilmaameed ka dhigtaan magan galyo doonka. Åkesson ayaa ku dooday in waxa loogu yeero papperslösa oo ah eray loo isticmaalo dadka aan wadanka sharciga ku lahayn ayuu sheegay in la joojiyo ereygaas oo la cadeeyo dadkaan in ay yihiin dad sharci daro ku jooga Sweden. Heshiiska ayaa dhigaya in dadka aan wali sharciga Sweden ku lahayn xaq loo siiyo caafimaad iyo waxbarasho. Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa ka jawaabay cabashada Åkesson asagoo sheegay in heshiiska dowlada iyo xisbiga deegaanka uu yahay mid qeexaya siyaasada Socdaalka ee Sweden oo qoto dheer. Billström ayaa intaas ku daray in heshiiskaan uu waafaqsanyahay siyaasada Magangalyo doonka ee Midowga Yurub. Dooda waxaa ka qeyb qaatay guud ahaan xisbiyada baarlamaanka iyadoo dadka halkaas ka hadlay ay ka mid ahay Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga KristDemokraterna iyadoo ku dooday in dadka aan sharciga lahayn aan loo arki karin dhamaantood in ay sharci daro wadanka ku joogaan maadaama qaarkood aysan wali sharci dalban, qaarna uu codsigooda xareysan yahay. Heshiiska dowlada iyo Miljöpartiet ayaa waxaa ka soo horjeestay Xisbiga Sverige Demokraterna ee cunsuriga ah iyo Xisbiga VänsterPartiet ee bidixda iyagoo ku dooday in heshiiskaan uusan waxba u soo kordhineyn soo  galootiga oo uu kala dhimanyahay. Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa ku soo gabangabeysay in ay rajeynayso in heshiiska uu noqdo mid wadashaqeyn ah iyadoo sheegtay in Sweden ay tahay wadan qani ah oo aysan u baahneyn in la kala doorto mashaariicda gudaha iyo soo dhaweyn soo galootiga. iyadoo sheegtay labada in la awoodo.

Baarlamaanka oo ka dooday siyaasada Socdaalka

Baarlamaanka Sweden ayaa maanta ka dooday Siyaasada Socdaalka ee Dalka iyo heshiiskii ay dhawaan gaareen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet. Doodaan oo ay codsadeen xisbiga Sverige Demokraterna ayaa lagu badalay dood kale oo maanta qorshuhu ahaa in laga yeesho sharciyada Socdaalka oo la dhaqan galiyo, doodaas ayaa la qaban doonaa 4 May.

Dooda ayaa waxaa furay hogaamiyaha xisbiga cunsuriga SD Jimmie Åkesson asagoo sheegay in heshiiska ay gaareen dowlada iyo Miljöpartiet you yahay mid xagjir ah oo wadada u furaya in Sweden ay noqoto meel ay bartilmaameed ka dhigtaan magan galyo doonka.

Åkesson ayaa ku dooday in waxa loogu yeero papperslösa oo ah eray loo isticmaalo dadka aan wadanka sharciga ku lahayn ayuu sheegay in la joojiyo ereygaas oo la cadeeyo dadkaan in ay yihiin dad sharci daro ku jooga Sweden. Heshiiska ayaa dhigaya in dadka aan wali sharciga Sweden ku lahayn xaq loo siiyo caafimaad iyo waxbarasho.

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa ka jawaabay cabashada Åkesson asagoo sheegay in heshiiska dowlada iyo xisbiga deegaanka uu yahay mid qeexaya siyaasada Socdaalka ee Sweden oo qoto dheer. Billström ayaa intaas ku daray in heshiiskaan uu waafaqsanyahay siyaasada Magangalyo doonka ee Midowga Yurub.

Dooda waxaa ka qeyb qaatay guud ahaan xisbiyada baarlamaanka iyadoo dadka halkaas ka hadlay ay ka mid ahay Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga KristDemokraterna iyadoo ku dooday in dadka aan sharciga lahayn aan loo arki karin dhamaantood in ay sharci daro wadanka ku joogaan maadaama qaarkood aysan wali sharci dalban, qaarna uu codsigooda xareysan yahay.

Heshiiska dowlada iyo Miljöpartiet ayaa waxaa ka soo horjeestay Xisbiga Sverige Demokraterna ee cunsuriga ah iyo Xisbiga VänsterPartiet ee bidixda iyagoo ku dooday in heshiiskaan uusan waxba u soo kordhineyn soo  galootiga oo uu kala dhimanyahay.

Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa ku soo gabangabeysay in ay rajeynayso in heshiiska uu noqdo mid wadashaqeyn ah iyadoo sheegtay in Sweden ay tahay wadan qani ah oo aysan u baahneyn in la kala doorto mashaariicda gudaha iyo soo dhaweyn soo galootiga. iyadoo sheegtay labada in la awoodo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. umuzakariye says:

    marka hore waxaan umahad celinayaa allaah subxaanahu watacaalaa kidibna bahda somaliska teeda kale waxaan weydiihaa walal jimcaale doodi xagey kudhamaatay mase la ansaxiyay waxey dowladu soo bandhigtay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal doodaan mid wax lagu ansixinayo ma ahayn ee waxaa laga doodayay siyaasada Socdaalka. Dooda iyo ansixinta heshiiska waxay dheceysaa 4ta Bisha May.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. sadaq said mahmud says:

    asc salan kadib jimcale wa mahadsantahay sxb sida aad usootabido arimaha ku saabsan socdaalka sxb qoraalkaan waa aqriyey lkn sifiican uma aanan fahmin ma.iijilci karta mase jira go.aan kasoobaxay kulankii maanta. mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. umuzakariye says:

    ok jimcaale mahadsanid insha allah yakuunu kheyran

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. C/RAXMAN MAC. DHEERE says:

    Asc. Koley 4 May insha Allah waa laga guulaysanaa labadan xisbi ee Sverige demokraterna ee Cunsuriyiinta. iyo kan Garabka bidix
    Vanster Partiet.
    Insha Allah khayr bay ku dhamaan. Mahadsanid jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. abdi noor says:

    waxaan rabaa in la ii sharaxo faa iidada ugu jirta soomaalida sharcigaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Dooda dhici doonta 4 Bisha May waxaa ku jira 2 mooshin oo ku saabsan Soomaalida caruurtooda loo diiday, mid waxaa soo diyaariyay Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Deegaanka kaasoo ay ku doodeyso in DNA laga qaado Soomaalida. Mooshin kaas la mid ah waxaa soo diyaariyay Amir Aden oo ah wiil Soomaaliyeed oo ka tirsan xisbiga Moderatka.

      Heshiiska dowlada iyo xisbiga deegaanka waxa uu suurto galinayaa in mooshinadaas ay dhaqan galaan taasoo fareysa Laanta Socdaalka in ay dhiiga DNA u isticmaasho cadeynta xiriirka Soomaalida.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. general yaya says:

    anigu waxaan leeyahay wixi qayrka ku jiro allahayoow adiga garanaye nawaafaji meel igu soo rodo ah maahan sweden ee insha allah qayr sidi umada somaliyeed ugu jirto aan u rajeyna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Waa'il jaceylow says:

    Asc bacda salam walalayal waxan jooga wadanka uganada kampala waxaana ka mid ahay dadkii lagu adkeeyay marka aniga naagteyda ayaa ii dacwooneyda waxna ma aysan iidhalin webkaana xaaskeyga aya ii shegtay marka jimcale wad mahasantahay sxb cunsuruyiinta hanagala xoojiyo marka waxan adiin leyahay jäg alskär all of you intaas ayaan ka garana luqadoodana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. anisa says:

    asc aboowe jimcale sidaa u arktaah rajed markasta waxii dub baay u dhacayaan ee walaal bala wxaii aada haso oo ah xaqii iga soo jawaab waxaan haye hooyo kaligada male ku noola marka aboowe wxaii ah jawaab ii soo sheega mahadsanida jimacale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. abdulahi says:

    Asc walaal jimcaale qof lasiiyay sharciga oo ilamahiisa loo ogolaaday ayaan haayaa hada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waa arin lagu farxo walaal, waan maqlay dadka ogolaansho la siiyay balse dhibaatada waxa ay ka taagain tahay sidee ilmaha ku soo baxayaan ? taas ma loo sharaxay. waayo dhibaatada waa arinta baasaboorka.

      bal wixii faahfaahin dheeri ah aad ka heyso ku soo qor halkaan.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Abdulahi says:

    sxb jimcaale waa lasiiyay sharcigi waxaana lasiiyay främaligpass haku soo galaan waxaan kusii haa telkiisa oo lahadal daris ayaanahay waana kubaraa numbarkeyga iga soo wac. waxaana loo ogolaaday 3 ciyaal ah iyo hooyadood maxkamada ayaa marka hore soo ogolaatay 14 bari kadib sharcigaada waa leedahay ayaa ladhahay 14 ki sharcigi ayaa soo dhacay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Saacid says:

    dooda barlamanka ee 5th May, ma moshin baa la ansaxinayaa mise sidii shalay oo kale uunbaa waxaa furmaya dooda waana lagu kala tagayaa ileen shalay dood uunbey aheed, mise kale dadkii diidmada la siiyey war maka heshey iney koow ka soo bilabayaan dacwadooda ama in la active-gareynaayo dacwadoodii hore un- mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Axmad says:

    Jimcale waan ideen salaamy walaal waxaan ku waydin lahaa aniga waxaan jogaa ethiopia waxaan ogalash nalaseeyay shalay lakin walalkey oo inta dhibka bassborka jiray gaaray 19 sano waxaa ladhahay kuma jiro asiga marka aboo ayaa layire wax fikrad ah ku darso wuxuna yiri inta uu dhibkaan jiray ayoo sanadkass garay marka maxaa raja ah ayoo leyahy walaal adigo mahadsan jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. maxamed says:

    asc walal aad ayaa u mahdsantihiin daemon hawley wadayasha webkan oo warar aanu xiisaynayno noo soo querwies alal waxaan ku wey doing laha dadka is qabala ee kala maqan ma laga doodaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Nasrudiin Haji says:

    ASC,, Walal Jimcaale waxaan rabbay in aan wax ka ogaado, Arin barlamaanka sweden uu ansixin lahaa oo kusaabsan, Dadka heysta Daganaanshaha Sweden sharci u ogolaanaya iney dagaan EU meeshi ey doonan iyadoo aan deganaanshahooda uuna ka dhaceyn mudo 5 sanno ah, mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. rooda ahmed says:

    asc jemcale waan kusalmay waxn ahay gabdha soomaliyed waxn kususualey walal wan maqley in dad kii la ogaldy maxkjira mase lag hadlay dad ka isqab ee aan carurr isuleaheen adiga oo mahd san igasoo jawab waxd warkaheeyso täckså mycket

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. DIBADA says:

    Saaxiibayaal sideen ISWIIDEN KU TAGAA? MA IDIIN KU JIRAA QOF II SHARAXA MAHADASANIDIIN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. carabey says:

    ilaah ayaa mahad leh waxaan kaloo u mahad celinayaa dadka u dadaala soomaalida sida jimcaale oo kale
    su aasheeyda walaal jimcaale hadii 4 may la ansixiyo sharcigaan goorma ayuu dhaqan galeyaa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. oma musse says:

    asc walal jimcale waxa aan ku weydiinayaa somalida joogta sweden ee diidmada la siiyay maxaa loo qorsheeyay maxayse rajo lee yihiin walal adiga oo mahadsan iga soo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0