Baarlamaanka oo ka dooday xagjirnimada

0

Baarlamaanka Sweden ayaa maanta ka dooday xagjirnimada ka dib codsi ka yimid gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ee Sverige Demokraterna (SD) Jimmie Åkesson asagoo si gaar ah u doortay in uu xooga saaro waxa uu ugu yeeray xagjirnimada Islaamka balse xisbiyada kale ee baarlamaanka ayaa diiday in dooda lagu koobo Islaamka oo keliya ayadoo gudoomiyaha baarlamaanka uu dooda u badalay mid ku saabsan dhamaan xagjirnimada.

Jimmie Åkesson ayaa sheegay in aan la aqbali karin in Sweden aysan lahayn qorshe looga hortagayo xagjirnimada Muslimiinta, ayadoo wasiirka cadaalada Sweden ay u jawaabtay oo sheegtay in Sweden ay tahay wadan xoriyad leh oo dadka diimaha kala duwan ay si siman u nool yihiin ayadoo ku baaqday dhamaan xagjirnimada in laga hortaga haday tahay mida Muslimiinta, mida SD, iyo mida ururada bidixda.

Sven-Erik Östberg oo u hadlay xisbiga Social Demokraterna ayaa sheegay in qaraxii Stockholm iyo ninkii dadka soo galootiga ah ku argagixiyay magaalada Malmö ay tusaale u yihiin dhibaatada xagjirnimada asagoo intaas ku daray xagjirnimada xaga diinta iyo mida siyaasada oo ay tusaale u yihiin SD in laga hortago.

Ugu dambeyntii ayuu sheegay in fiiro gaar ah loo yeesho iskuulada gaarka ah ee diinta lagu dhigo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here