Baarlamaanka Sweden oo ka dooday xuquuqda mideynta reeraha iyo midowga Yurub

40

Baarlamaanka Sweden ayaa shalay ka dooday xaquuqda mideynta reeraha iyo sharciga u yaala midowga Yurub.

Mowduuca ayaa ahaa in lays waafajiyo sharciga u yaala guud ahaan midowga Yurub iyo kan Sweden ee quseeya mideynta reeraha. Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in wax laga badalo sharciga Sweden u yaala oo lala mideeyo kan midowga Yurub.

Ka dib dood dheer oo ay ka qeyb qaateen xisbiyada kala duwan laguna lafa kuray dhibaatooyinka jira sida dhibaatada Soomaalida ka haysata aqoonsiga iyo shuruuda in uu qofku dabari karo reerkiisa ayaa go’aan lagu gaaray in aan waxba laga badalin sharciga sida uu hadayahay.

Waxay kale oo xubnuhu ka dhawaajiyeen in arinta Soomaalida ay heshiis ka gaareen dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet isla markaana mooshin arintaas ku saabsan la soo hordhigi doono baarlamaanka 20 bishaan Maarso.

Arintaan uu baarlamaanka ka dooday qaasatan ma ahan siyaasada Sweden ee ku aadan mideynta reeraha ee doodu waxay ku saabsanayn in lays waafajiyo sharciga Sweden iyo kan midowga Yurub. Sidaa darteed way dhimantahay doodii iyo go’aankii baarlamaanka ee ku saabsanaa arimaha mideynta reeraha qaasatan Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here