Baarlamaanka Sweden (Riksdagen) ayaa ka doodi doona arimaha mideynta reeraha Soomaalida 30 bisha Maarso ee Sanadkaan. Dooda oo ku saabsan Socdaalka iyo Magangalyo doonka ayaa waxaa ku jira mooshin qaas ah oo ka hadlaya Mideynta Reeraha aan baasaboorka lahayn. Mooshinkaan ayaa waxaa soo hordhigay baarlamaanka labada mudane ee kala ah Bodil Ceballos iyo Maria Ferm oo ka wada tirsan xisbiga Miljöpartiet. Labada mudane ayaa mooshinkooda ku dalbadanaya in wax laga badalo sharciga si loo fududeeyo mideynta reeraha Soomaalida. Dooda ka dib ayuu baarlamaanka u codeyn doonaa in isbedelka la sameeyo iyo in kale. Xisbiga Miljöpartiet ayaa horey u balan qaaday in ay caawinayaan soo galootiga oo qaasatan arintaan ay hor dhigayaan baarlamaanka, waxaa muuqata in ay ka dhabeeyeen balanqaadkoodii. Hadaba Soomaalida ayaa laga doonayaa in ay sii laban laabaan dadaaladooda inta aan la gaarin dooda si arintooda ay u sii shaac baxdo.

Baarlamaanka Sweden oo ka doodaya arimaha Soomaalida

Baarlamaanka Sweden (Riksdagen) ayaa ka doodi doona arimaha mideynta reeraha Soomaalida 30 bisha Maarso ee Sanadkaan. Dooda oo ku saabsan Socdaalka iyo Magangalyo doonka ayaa waxaa ku jira mooshin qaas ah oo ka hadlaya Mideynta Reeraha aan baasaboorka lahayn.

Mooshinkaan ayaa waxaa soo hordhigay baarlamaanka labada mudane ee kala ah Bodil Ceballos iyo Maria Ferm oo ka wada tirsan xisbiga Miljöpartiet.

Labada mudane ayaa mooshinkooda ku dalbadanaya in wax laga badalo sharciga si loo fududeeyo mideynta reeraha Soomaalida.

Dooda ka dib ayuu baarlamaanka u codeyn doonaa in isbedelka la sameeyo iyo in kale.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa horey u balan qaaday in ay caawinayaan soo galootiga oo qaasatan arintaan ay hor dhigayaan baarlamaanka, waxaa muuqata in ay ka dhabeeyeen balanqaadkoodii.

Hadaba Soomaalida ayaa laga doonayaa in ay sii laban laabaan dadaaladooda inta aan la gaarin dooda si arintooda ay u sii shaac baxdo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. cabaas xuseen says:

    aadayaan kuugumahadvnaqayaa jimcaale sida aad noolasoo xiriiriso hadba say usocdaan arimuhu ee waagoorma ogolashuhu ay gaarayaan baar lamaan ku waaxilimaadoo mahadsan xiligii nagu dheeraaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. yusuf abdi says:

    jimcaale waan ku salaamay adiga iyo inta kaa gacansiiso barnaamijyada ka baxo somaliska.com runtii waxaad qabatay dadaal dheerad ah oo dadka ehaladooda ka maqan niyada u dhisaya waxaadna markasta oo aan furo somaliska.com ka helaa akhbaar fiican oo dheerigelin ama niyadda u dhiseysa inta qaraabadooda ka maqan tahay oo aan aniga ka mid ahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Abdulahi says:

    jimcaale sxb adigoo mahadsan warbixin arintaan ku saabsan oo svenska ku qoran ayaan kuu haayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. s says:

    asc aboowe bala marka aqriso warak svenska ah ee abdulahi sheega anigan isoo garsii waa mahadsantahay jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. anisa says:

    asc aboowe waraka svenska ha ee abdulaahi sheegaya marka aqrido ii soo sheega waxuu yahaha waa mahadsantahay jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abdulahi says:

    jimcaale warbixinti makusoo gaartay yuusuf abdi ayaa kuusoo diray 09.02.2011 ayaan helnay warbixintaas sxb jawaab nasoosii inaad heshay warbixinta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Jimcale says:

    Haa Abdulahi waa i soo gaartay, Anders saakay ayaan wada xiriirney oo wareysi aan ka qaaday ayaan mardhow soo daabici rabaa. Warbixinta aad ii soo dirtay waa mid kooban oo aanan ku arag wax saaid ah oo aan mowduucaan ku kordhiyo balse Insha Allah warka waa iska cadyahay Soomaalida waxaa laga rabaa in ay dadaalkooda sii kordhiyaan oo mudaharaadka badaniyaan inta aan la gaarin dooda baarlamaanka.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Abdulahi says:

    waa sax jimcaale fikradaada lkn arinta somalida waxaa ka jiifo riksforbounden ayaa ka jiifo sababa too ah wax mudaharaad ah lagama haayo dadaalka xagooda ayoo ka jiifaa arinta somalida iyagaana somalida kici karo waa is ka hagaagi doontaa insha,allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ahmed says:

    asc waa arin wanaagsan arintaan waana mahadsan tihiin
    sida aad ula shaqeyneysaan soomaalida dhib saameeyay tack så mycket

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. fardowsa says:

    Aad ayaan idiinkugu mahadcelinayaa somaliska.com sida hagar la,aanta ah ee aan xili walba u helno wararka swedan ee ku saabsan soomaalida waalidiin badan oo ilmahoodii ka maqan yihiin oo aan aniga ka mid ahay aad ayeey ugu diirsadaan sidaad hadba xaalada ula soo socodsiisaan muhiimada wexey tahay in soomaalidu fadhiga ka kacaan inta uu socdo arinkeena si naloo ogaado baahideena

    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Falis says:

    Walalaheena somaliska.com aad iyo aad ayaad u mahadsan tahiin waa arin farxad leh runti baralamka swedhan inu ka fariisto go aanki adkaa,Waxana rajeyha inuu ka so baxo wax aan ku wada faraxno dhamanteen,Insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ismahaan uundisho says:

    Marka hore salaan sare jimcaale,, runtii waa rajo fiican Dareemkeenana wax ka bedelo more aad waxaan ku faraxno aan ka helno webkiina… somaali waxaa dhihi lahaa kaalintiinana ka soo baxo ee jimcaale idiin weydiiyey,, waa anagoo isku duuban Mideysan Shucuurteena kicino banaabax an ku tilmaameyno xaqeena tusineynana dad nimadeena an sameeyno walaalayaal… thankss

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. omar says:

    A.C WALAAL WAA ARIN FIICAN LAKIIN SOMAALIDA DHAQDHAQAAQ AAN SAMEEYNO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Sadaq says:

    sxb waad mahadsantahay, aniga koley waxaan ka mid noqdey macaamiisha page-kan, caruurteydii ayaa sweden iga joogta anigana Mogadishu-somalia ayaan joogaa hadda, isha kaliya ee aan arimahaas kala socdona waa page-kaaga ilaah nagama xiro waana kaaga mahadcelinayaa sida aad isku xilqaameysid, adigoo kale oo badan somalida waa u baahantahay. insha alaah markii aan imaado sweden waan kula kulmi doonnaa sxb, dadaalkaaga dad badan ayuu muhiim u yahay meeshaada ka sii wad hana ka daalin.. soomaalida waa dad kala daatey isku ururintooda iyo abaabulkooda dhib ayaad kala kulmi doontaa laakiin haka caajisin weligaa
    Mahadsanid Halyeey Jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Abdulahi says:

    sadaq insha,allah waa imaandoontaa somaliska.com waa mahasanyihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. farxiyo maxamed says:

    jimcale aad ayay uu mahtsan tahy walal waan ku farxsanahy arinta aad waado waayo aniga caruurteyda aaaya iga maaan mudo dheer maarka wax kasto waa sika nasib waane kuu maahad ceelinaya jimacale tacnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. farax says:

    walaal jimcale aad baan kuusalamayaa ilaahay garabkaga hagalo abowe

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. maxamad says:

    asc waan idin wadasalmay bahda somaliska.com gaar ahaan halyaay jimcaale waana kuu mahad celineeynaa hadaanahay somaalida kunool wadanka iswiidhan iyo waliba dadka maskiinta ah oo inoogu wada nool afrika oo iyagana rajoi kunoolka ah anaganah hadanahay dadka kunool dalka iswiidhan waxaa nalooga abahanyahay in aan sameeyno dhaq dhaaqyo badan aanu kumuujineeyno shuxuurteena iyo in aanahay qoowmiyad iyo mudaharadyo aan kala joogsan inta laga gaaryo waqtga baarlamaanka si arinteena unoqoto arin weeyn waadna mahad santahay halyaay jimcale soomaliyeey idinka dadaal wacan waxaana inoo rajeeynaa natiijo aad u fiican in aan helno ilaah idankiis kheyr ayaana idin dhaafay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. nuurrow says:

    asc walaal jimcaale waad salaamantahay salaan waxaan rabaa inaan ku weydiiyo arintii eheyd inuu baarlamaanka sweden ka fariisanayo arimaha soomaalida 30 maarso wax isbedel miyaa jira mise waa sideedii uun jawaab iga soo sii fadlan walaa adiga oo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. nuurow says:

    asc jimcaale walaal weli jawaab ayaan kaa sugayaa hadduu allah idmo adiga oo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. huseen says:

    waan taagerayaa fikirka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0