Banaanbax looga soo horjeedo dhiibistii Qalbi Dhagax oo ka dhacay Stockholm

0

Magaaladda Stockholm ee caasimadda wadanka Iswiidhan ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay ka soo qeyb galeen soomaalida ku dhaqan magaaladaasi. Banaanbaxan ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka safaaradda Itoobiya ee ay ku leedahay magaaladda Stockholm. Dadweynahan soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin “Itoobiya ha dhacdo iyo Wayanaha ha dhaco” iyo ereyo kale oo carro leh.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey dhalinyarro ku bahoowday barta bulshadda ee Facebook-ga ee la yiraahdo “Somalier mot rasism och orättvisa”. Cabdi Hanad oo ka mid ah dhalinyaradaasi, ayaa isagoo u waramayey Somaliska sheegay in ujeedu banaanbaxa uu yahay mid lugu muujinsyo muujin sida looga xun yahay falka ay dowladda soomaalida ay Qalbi dhagax ugu  gacan galisay rajiimka Adis Abeba ka taliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ay gacanta u gelisay rajiimka Itoobiya ka amar tukaadleeya sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo markii dambe ku biiray jabhadda xoreynta Ogaadeeniya ee dhulka soomaalida Itoobiya. Arrintan ayaana keentay carro xoogan oo soomaalidu meel kasta oo ay caalamka ka joogto ku muujisay. Soomaalida Iswiidhan ayaa sidoo kale baraha bulshadda laga dareemayey sida ay falkaasi ugu xumaadeen.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here