Bandhig dhaqameed ka dhacay Uddevalla [Sawirada]

5

Shalay waxaa magaalada Uddevala ee galbeedka Sweden ka dhacay bandhig dhaqameed weyn oo lagu qabto sanadkasta magaaladaas. maalinta loogu magacdaray Dalabergsdagen ayaa sanadkasta laga xusaa magaalada Uddevala iyadoo Dalaberg ay tahay xaafada ugu caansan magaalada oo ay ku badanyihiin dadka soo galootiga ah.

Jaaliyada Soomaalida ee Bohuslän ayaa bandhig dhaqameed Soomaali ah halkaa ka sameeyay, iyagoo soo bandhigay hidaya iyo dhaqanka Soomaalida. Jaaliyada Soomaalida ee Bohuslän ayaa waxaa ay ku soo bandhigtay Alaabta Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida noocwaliba Sida Kurbin, kabaha, cimaamad, derinta , qaado, hangool, Gurbaan, Masaf, Xaarin, Dhiil, Babis, Guntiino iyo Garbasaar iyo waxyaabo badan.

Waxaa kaloo lagu soo bandhigay Raashiinka Soomaalida sida Sanbuuse, Mashmash, Canjeero, Bajiyo, BurKutunbuwe, Zigni, Basbaas Shidni iyo qumbe, Doolsho iyo waxyaabo kale.

Maalinta Dalaberg ayaa waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiinta iyo dadka magaca ku leh magaalada Uddevalla. Bandhigii ay jaaliyada Soomaalida ee Bohuslän sameysay ayaa aad u soo jiitay indhaha ka soo qeyb galayaashii ,iyadoo Gudoomiyaha jaaliyada Abshir Macow uu la hadlay saxaafada iyo shirkadihii ka soo qayb galay bandhiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here