“Bandow halagu soo rogo soo galootiga, oo hala baro dhaqanka Swedishka”

5

Gudoomiyaha xisbiga Sverigedemokraterna (SD), Jimmie Åkesson ayaa shalay soo bandhigay siyaasadiisa ku aadan sida loo xalin karo rabshadaha ku soo batay xaafadaha soo galootiga ee magalooyinka waaweyn sida Rinkeby, Tensta iyo Husby ee Stockholm iyo Rosengård Malmö ayuu sheegay in loo baahanyahay in xaafadahaas lagu soo rogo bandow.

Åkesson ayaa doonaya in booliska la siiyo amaro u dhigma kuwa militariga oo ay xoog ku soo furtaan xaafadahaas oo uu ku tilmaamay kuwo gacanta ka baxay oo ay maamulaan dhalinyaro dambiileyaal ah. Waxa uu intaasi ku daray in dadka degan halkaasi bandow lagu soo roggo oo laga mamnuuco socodka habeenbkii.

Waxa uu intaasi ku daray in ciyaalka dhagaxda tuuraya si xoog leh loo cinqaabo isla markaana hoos loo dhigo da’da dadka lagu xabsi dhigi karo. Isagoo doonaya caruurta 18-sano ka yar in jeelka la geeyo.

Åkesson ayaa sidoo kale doonaya in kor loo qaado dhaqanka Swedishka ee xaafadaha soo galootiga, isagoo doonaya in lagu beero dadka dhaladka Swedish ah iyo ganacsiyo cusub. Iyo in soo galootiga loo sameeyo xaflado dhaqanka Swedishka, sida ciyaaraha iyo heesaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here