Bankiyada oo joojiyay qabashada lacagta cadaanka ah

Bankiyada ugu waaweyn Sweden ayaa bilihii la soo dhaafay waxay ku dhaqaaqeen siyaasad ay mudo qorshaynayeen taasoo ah in aan wax lacag cadaan ah aan la qaban ama la bixin.

Qaasatan tuulooyinka ayaa ugu daran goobaha ay arintaan si weyn u saamaysay iyadoo Bankiyada sida Swedbank, Nordea iyo SEB ay xafiisyo qaas ah oo ku yaala magaalooyinka waaweyn u sameeyeen qabashada lacagta cadaanka ah. Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in ay badatay dhaca loo geysto xafiisyada Bankiyada ee lacagta cadaanka ah lagu qabto, waxaa intaa dheer in bankiyada uu qarash badan uga baxo amaanka iyo maamulka lacagta cadaanka ah.

Dadka Sweden ku nool ayaa la sheegay in 75% ay wax ku iibsadaan kaarka bankiga. Ma ahan bankiyada oo keliya balse xitaa waxaa jira dukaamo iyaga laftooda bilaabay in ay kaar keliya wax ku iibiyaan. Dukaamadaas waxaa ka mid ah shirkada isgaarsiinta ee 3. Qaar ka mid ah bankiyada ayaa waxay bilaabeen xitaa in  qofka ay waydiiyaan cadeyn muujinaysa halka uu lacagta ka keenay haddii aad doonayso in aad lacag cadaan ah koontadaada ku shubato ama koonto qof kale.

Si kastaba ha ahaatee, isbedalkaan ayaan wax saamayn ah ku lahayn goobaha derbiyada lacagta lagala baxo iyo kuwo looga shubo. Qorshahaan cusub ee bankiyada ayaa dowlada qaasatan Hay’ada canshuuraha (Skatteverket) waxay u fududaynaysaa in ay ka hortagaan lacagta ku baxda suuqa madoow.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. xaaji nadaara says:

    thanks sxb warbixinada muhiimka ah wan kaaga mahad celinaya .. howl qaran ah ahna wad heesa si wad haka caajisin ..ina adeer . from xaaji nadaara.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. abdikarim says:

    asc jimcale waxan kaa raba in aan ku shego in safarada addis abbaba ey noqotay laaluush marka waxan ku shega in aad wabsedka galisid si eey noogu fududato marka saas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. shugri says:

    asc walal jamcale wan kusalamaya kadib walal waxan ka codsanaya madama ad webka somaliska kashaqayso inad i ga cawisid sida loo xaraysto foamka dalabka enternetka famaliga ood emaila ad iu soo dirto fommaka fadlan i cawi walasha banahe somaliye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0