Barack Obama oo ilmada joojin waayey ka dib markii nin isku goob ku dilay 20 caruur ah

5

Nin hubaysan ayaa rasaas  ku furay  School hoose oo ku yaala magaalo lagu magacaabo  Newtown, kuna taala Maraykanka waxaana la xaqiijiyey in ay halkaas ku geeriyoodeen 27 qof oo ay ku jiraan 20 caruur ah da’dooduna u dhaxayso 5 ilaa 10 jir iyo hooyadiis.

Dhacdadaan foosha xun ayaa sida la sheegay waxaa geystay nin da’diisa lagu qiyaasay 20 laguna magacaabo Adam Lanza, kaas oo sida la sheegay dadkii uu laayay ugu hor mariyey hooyadiis oo School-ka uu wax ku laayay macalimad ka ahayd.

Barack Obama, madaxweynaha dalka Mareeykanka oo markii koowaad la arkay asagoo indhiisa ilmo ka da’ayso  ayaa sheegay in dhacdadaani  qalbigiisa si gooni ah u xanuunjisay. Ilaa hada somaliska.com ma aysan heli wax war oo til maamaya in si gooni ah Soomaalida wax oga soo gaareen weerakan.

Kuma cusba Maraykanka weerarada noocaan oo kale ah ee waa kuwa in badan soo noqnoqday waxaana loo aaneeyaa soo noqnoqashada weerada noocaan oo kale ah, hubka oo  si fuduud dad aan musuuliyadiisa qaadi Karin gacanta ugu gala maadaama Maraykanka qof walbaba xaq u leeyahay in uu hub haysto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here