Baraf ku habsaday daafaha Sweden

39

Duufaano baraf wata ayaa xalay ilaa saakay ka da’aya daafaha Sweden qaasatan agagaarka Stockholm taasoo keentay dhibaatooyinka xaga isku socodka ah. Diyaaradaha ayaa dib loo dhigay iyo tareenada oo aad uga daahay xiligii ay imaan jireen.

Hay’ada la socodka cimilada (SMHI) ayaa sheegtay in la filayo in uu barafkaan sii socon doono ilaa caawa. Shalay ayay ahayd markii ay SMHI ku dhawaaqday digniin nuuca Klass-2 ah taasoo ay uga digtay in barafka uu qatar ku yahay dadka iyo deegaanka. ilaa 20-30cm oo baraf ayaa soo dhacay xalay.

Waa sidee xaalada halka aad ku nooshahay? Sidee ayuu kuu saameeyay barafka ka dhacaya deegaankaana? Jawaabaha ku soo qor qeybta fikradaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here