Barafkii oo bilaabanaya & digniin shacabka loo jeediyay

1

Inkastoo barafka uu si teelteel ah horay uga da’ay waqooyiga Sweden ayaa maanta iyo barito la filayaa in uu si rasmi ah uga bilowdo bartamaha iyo koonfurta Sweden. Hay’ada SMHI ayaa sheegtay in maanta uu soo dhici doono baraf gaaraya 30cm gaar ahaan gobolada Ångermanland, Härjedalen, Jämtland iyo Västerbotten.

Hay’ada la socodka cimilada Sweden ee SMHI ayaa shacabka u jeediyay digniinta nuuca 2 kaasoo ah in barafka uu saameyn ku yeelan karo isku socodka gaadiidka iyo in uu geysto waxyeelo kale. Heerkula ayaa la filayaa in uu aad hoos ugu dhaco oo qaboowga u gaaro ilaa -20C.

Hadaba ha laysku diyaariyo barafka. Jaagado waaweyn hala xirto baabuurtana taayirada halaga badalo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here