Barnaamijka Hello Somaliska – 11-03-2012

Caawa waa markale iyo barnaamijkeenii Hello Somaliska. Barnaamijka waxaan caawa ku lafa guri doonaa mowduucyadii ugu waaweynaa ee aan qornay isbuucaan.

1. Arimaha Socdaalka: Filimaan loogu tala galay dadka magangalyo doonka ah oo ay sameysay Laanta Socdaalka. Cunsuriyiinta oo doonaya in ay soo galootiga dalkoodii ku celiyaan iyo Dadka Caruurta ka maqanyihiin oo laga yaabo in fasax la siiyo.

2. Ganacsiga iyo shaqada: Soomaalida Norrköping iyo ganacsigooda. Ku darsada wixii fikrado iyo talo ah ee ku aadan sida Soomaalidu ay ganacsi uga furan karto Sweden?

3. Arimaha Bulshada: Raysal wasaasaraha iyo xaaskiisa oo kal tagay. Wixii fikrado ah ee ku aadan furiinka badan ee ka jira Sweden iyo dhibaatada ragga Soomaalidu ka sheegtaan dumarkooda? iyo maalinta 8-da Maarso, sidee u aragtaa?

Sidii caadada ahayd telefoonka barnaamijka aad uga qeyb qaadan kartaan waa 0722958251 (Comviq) Saacada waa kl. 18:00 (ama 6pm).

CILAD: Waxaan idinka raali galineynaa in cilad xaga telefoonka ah ay maanta nala soo daristay oo sidaa darteed uu barnaamijkii baaqday. Wixii fikrado iyo su’aalo ah halkaan ayaad ku darsan kartaan. 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Nafiso abdi says:

    Jimcale hadan so waco talkan from africa ma kuwa kale qarashkoda ayu isticmali,mise wu kayar raqisanyahay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Daade-yare says:

    NAFISO K.K.K.K.K.K.K.K. Waxan ku qoslaya telka hadad kasowacdo fr,afriko 46, kahormari wixi qarash ahna qofna hakala tashan ilen ada ubarere dabcan wuxu kuxiran yahay wadan ad jokto hadbo sidi u qimaha yahay thxs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Massago says:

    Daaad xaad u dhagree gabarta hadeey joogto wadmadaaan soo socdo Kneyo,Etobia,Somalia 5 degmoo oo kamid ah sida Galgaduud,Hiiiraan,Mudug,2 mada shabelle iyo Ugande waxeey kusoo wecee sidaan 0014722,,,,,,,,,,
    waxaad kaloo sameey kartaa Nafisa waa u soo baaqi kartaa mugaas waalagu soo wacaahe

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Daade says:

    MASAGO sxb marbadana wan ku arkay horta meshen waxa leykudhafsada fikrado marka hadi ey dad kaladuwana kala dhexeyso aaraah ama fikrado waxat kuqasbantahay inat kulashekeysato AF.SOMALIGA QAMUSKA KU QORAN O ISKULADA LAGU DHIKTO ILEN WAXAT UBAHANTAHAY IN LAGU FAHMO TAS MESHAS HADAN UGA BAXO, MIDA 2AAD WILIGEY MA,ARKIN SWEDEN O LAGUSOGALAYO,14,K.K.K.K.K. Inta an ogahay swedan melkasto jokto o afrika ah wa inad kusogasha furaha 0046,kadib nambarka mahat sanit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Daade says:

    MIDA KALE MARKAD LEDAHAY USO FALASH AYAGA KUSOWAC,K.K.K.K.K. Runti wa ilaqaldantahay sabto ah qof madax ah o mesha lagu casumay istudiyaha somaliska.com matihit o dadka lagu casumay weybadan yahin waxan fican hadijanis lagusiyay ad dadka kulahadasho waxey ilatahay inadan kudhibin qarash o ad isasodabirto aya aniga ilaquruxbadan wahadsanit?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Massago says:

    Daad sax waaye warkaagu ilowsa Afka aan ku hadlo waa somaliga saxda ah mahaana ina qaamuus noo yaal erey bixin mawadno kuleey qof iga sheegaheesana ma,arkin ma,aqaan hadiii ereyada qod kamid ah aad fahmi weeyso waa macquul inaan kala lahjad nahay waana wax jiro oo wadan kasto waxaw lee yahay dhawr lahjad tusaale ahaaan Swedn kan u dhashay Skåne iyo kan bartamaha Swedn ka,yimid ereyada qaarkood iskuma fahmaan anyway kasoco walee tala reeyso masiin gabarta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Daade says:

    MASAGA sxb horta ha ifahmin qalad mida kowad mida 2aadne waxan kahadlay waxa an kuwada shekeysaneno dabcan maha af iyo gobol iyo jinsi tona somali waxan umalena somali in iskulada ey iskusi ardayda wax usobaren macnaheyga afsomaliga laqoro qabkisa adiga lahjadada wad isticmalikarta o kuma didani lkn markat qofkale ad lashekeysaneyso, wilibo habka qoralka ah waxey ilataha in ad kuqasbantahay in ad uqorto sida ugu ficin ad iskufahmi kartan wixi fani fani ah wa meshoda lkn si an kufahmo fadlan uguqor ruxa sida iskolada loga qoro AFSOMALIGA? Ilen manta dhan hadad qoral kusodashid ana anan waxbo kafahmin wa hal bacad lagulisay shaqadada marka iskudey inat maskax fiyow o cafimad qabta igu fahanto waxan umaleyna dulucda hadalkeyga inat sifican ufahantay igana rali,ahaw hadan waxqalday thxs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Nasteexo says:

    JIMCAALE. walal madamo cilad xaga telefonka barnamijka u baaqday su,asheyda halkan ayan ka dhibanaa, fursadaad nasisane wad ku mahadsantahay,

    madaamo barlaamanka sweden farisan rabo 20 maarso maka doodi rabaan familada wax isku dhalay oo ilmaha haysto mase waa la ansixinaa oo kaliyah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Nasteexo lama xaqiijin in baarlamaanka uu ka doodi doono 20 bisha balse inta aan ogahay waa in mooshinka ku saabsan arintaan la soo bandhigi doono.

      Mida kale dadka isqaba ee caruurta leh iyaga arintooda hadaba waa la bilaabay oo go’aankii maxkamada sare ayaa amray in dadka DNA laga qaado.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Nasteexo says:

    jimcaale fikradiina meshan ka dhiibta maxa notiri hadii nogu soo jababeynin su,alaha plz, waxan fileynay haduu ka halabay telefonka in nogu xaqabtireysid qeybtaan massege ka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. hodan says:

    mr jimcaale dadka u jawaab heee arimaha reraha maka doodi rabyaa mise waa ansaxiin? mise bariiskagaa burinoosaa oo fursad mala haayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Massago says:

    Nateexo Jimcaale Tlfnki aw sameees u qaaday varkstadka aw jiraa halahoo koro adoo mahadsan waalagu ciyaaaahe
    lkn su,aasha aad warsatay uma baahnid inaad u hesho jawaab bishi lamaaad sanadkaan aalagag jawaabay wixi ilmo isku leh ama isku dhalay kase naqdeen ama xataa guur hore ahaay oo Aaan Allaah awlaad siin waaa loo keenaa kamadambeeys bisha abril awna dhaqan galaaa ama maj go,aan kaas cid iga dambeeyso ha warsan maxaa kuusoo heray waxa loo bira tumahaaa waxaa waaye koow bisha fasaxa in ina kurjad kurjad loo qumo xaflad lasoo sameysto eela dhaho yaan soo guursan samamrkaan i mean kala gadashada iyo koriska inta kale okej waaye wax khere Allaha nasiiyo baarlamannka inteesan kadoodin ama aysan ansiixn waxeey muga hore dhigaan debbat iyo argment badan STV 1 kala soco wixi intaas dhaafsan asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. nasteexo says:

    asc halkan waxa aan ka salaameyaa dhaman somalida meel kasa oo ay joogtaan waan idin salaamey gaar ahaan jimcale walal waxa aan ku weydiyinayaa somalida joogta sweden ee shariciga loo diidey maxaa loo qorsheeyey kuwa diid mayada la siiyey go, aanka hada soo baxay muxuu ku soo kor dhinayaa ,,,, muxuuse yahay shirka 20 ka bish marso maxaa laga hadayaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. nasteexo says:

    walal jimcale adiga oo iga raali ah iiga soo jawaab waad mahadsan tahay wsc?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. saciid cali says:

    walaalyaal arintaan waxaa baarlamaanka la horgeynaa 30 maj 2012 waxaana mooshinka geynaayo xisbiyada kala ah social iyo vänsterpart warkaas dhuuxo 20 marso 2012 waa rabnaa lkn riksdagen kuma jirto xiligaas aan kor ku xusay ayaa ka,doodayaa familada somalida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Nasteexo says:

    Saciid Cali walal adiga hadii aad wax ogtahay waqtikasi laka doodayo halkee ka soo xigatay websiteka aad gashay soo qor,
    teeda kale 20 marso in laka doodeynin yaa kusheekay wax cad natus markad bulshada wax ushekeysid Document soo raacsii fadlan
    dhibne ha ii arkin,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. saciid cali says:

    walaayaal halkaan ka aqrista mooshinada horyahttp://www.riksdagen.se/sv/Dokument-Lagar/Utskottens-dokument/Betankanden/Arenden/201112/SfU12/alo baalamaanka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Nafiso abdi says:

    Walal nastexo aad ayad udag dagi tartib iska sug,sida khayr qabo Allah garan,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. hodan says:

    horta waxeey mar walboba gadaal lee ugu dhigayaan kadoodida familada dadkaan waa ujeedo cad lakin anagu ma rabno inaan fahano dan ayaaasa loo fahmidonaa hadane bisha maj meey keneen alah wax walbo noohaayo alah wadankeena nabad hanooga dhigo iskana daaya kuwaan mashquulkooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0