Bilan Osman oo jawaab ka bixisay hadalkii Gunilla Gomér

Isbuucii hore ayaa haweenay lagu magacaabo Gunilla Gomér oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga Kristdemokraterna (KD) waxay mowduuc ku qortay wargeyska lagu magacaabo Nyheter24 kaasoo ay si weyn u dhaliishay Soomaalida dalxiiska u tagtay Muqdisho iyo sharciga la siinayo Soomaalida Sweden iska dhiibta.

Gomer ayaa ku dooday in Soomaalidu aysan u baahneyn in sharci laga siiyo Sweden maadama ay ku laaban karaan wadankoodii. Waxay intaas ku dartay in Soomaalida ku noqotay Somalia ay ku noolyihiin lacagta canshuuraha shacabka Sweden. Waxay ku baaqday in dib loo eego sababta sharciga loo siiyo Soomaalida. Isla markaana laga ceshado sharciga kuwa ku laabanaya Somalia.

Hadaba Bilan Osman oo ah wariye Soomaali ah kana mid ah shaqaalaha ururka Expo ee la dagaalama cunsuriyada ayaa mowduuc ay ku qortay wargeyska ETC waxay jawaab ka bixisay hadalkii Gomer iyadoo ku tilmaamtay “Dood ku dhisan cunsuriyad. ” Bilan ayaa ka warbixisay xaalada amaanka ee Somalia iyo xaalada ay ku suganyihiin qoysas badan oo Soomaali ah oo qaarkood loo diiday in lala mideeyo reerahooda. Waxay kale oo Gomer u sharaxday in Soomaalidu ay ka midyihiin dadka canshuuraha bixiya oo Gomer iyo dadka la midka ah oo keliya aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan cida la siinayo iyo sida loo isticmaalayo canshuuraha wadanka.

Bilan ayaa muujisay hadalada raqiiska ah ee siyaasiga xisbiga KD ay ku doonayso in ay ku soo jiidato taageerayaasha cunsuriyada, iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya qaxootiga. Ma ahan markii ugu horeysay ee Bilan Osman ay jawaab ka bixiso hadalada laga qoro Soomaalida, iyadoo bilihii la soo dhaafay dhowr mowduuc ku qortay wargeysyada ugu waaweyn Sweden sida Expressen. In Soomaalidu ay ka muuqdaan saxaafada oo la helo cid ka jawaabta hadalada micno darada ah ee laga qoro Soomaalida ayaa ah mid aad u muhiim ah, iyadoo Bilan Osman ay mahad iyo aqoonsi ka mudantahay Soomaalida ku nool Sweden.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. jaabiri says:

    Good job ayay gabaadhasu qabatay’ maansha alah ‘ waan ugu hanbalyaynayna sida fiican ee ay ugu kawaabtay habartan Cunsurinimada Ku ololaysanaysa markay wax kale garan wayday oo ay bulshadeeda kusoo jiidato ‘

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 0

  2. Abdi says:

    fariid halyeeyayad wax ka dhicinkarto somalida ayaa noosoo baxday halkaa kawad waxaa aad uga helay sida quruxda badan ee aad ugu jawabtey runtnii( oo aad ugu shegtay in somalidu kamidyihiin dadka cashuuraha bixiya)

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  3. ABDI BROWN says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 9 Thumb down 19

  4. .moha says:

    Bilan osmaan walal ilahay hanoo ka xifdiyo waxaan u baahanahay dad adigoo kale ah oo badan somalida canshuur waa bixiyaan dad aad u fara badan oo shaqeeyoh baa jirah hadana media iyoh cunsuriyiinta swedan waxay aaminsanyihiin in somalida dhan ay cayr qaatan marka waxaa loo baahanyahay in markasta laga jawaabo siiba dadka somalida ee xisbiyada swedan ku jirah ay ka jawaaban iyoh dhamaan dadka somalida ah ee caaanka ah sida gabadhaan bilan osman long life walal

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  5. Maxamed Cabdulaahi says:

    Bilan Osman waan u mahad celinaynaa. Anagana waa in aan wax baranaa oo garab is taagnaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  6. daade says:

    Bilan viiiiiva

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  7. mohamed says:

    waan ku farax sanahya iin aan soomali ah maanta weynu diofaaceenaa soomalinimada iyo islaanimada wax kasta ha inagu qaadato, tankale aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay gabadhan soomaaliyeed oo baaqan nagtan kd ka tirsan ay jawaab ka siisay hadalkeedii ay ku rabtay in ay ku hanato codad maadaamo ay soo dhowyihiin doorashooyinkii qaranka mashaalaah maahsa alaah Jag är stolt över dig bilan syster mashaa laah asalaamu caleykum wr wbr

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Mr Aniga says:

    aniga fikirkayga waxaa ilatahay in naagtu ku saxan tahay dadka inay soomaaliya kasoo qaxaan iyo inay u dalxiis tagaan iskuma helaan waa inay mid ku ekaadaan
    soomalidu marka runta loo sheego ayay malaha u baydhaa
    lakiin tan caydha dadku caydh mawada qataan mana wada shaqaystaan

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 7

  9. Bulqaas says:

    Daawo warbixin aan hada ka hor ka diyaariyay Bilan Osman http://youtu.be/_kZD_uwoGc8

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  10. mandeeq says:

    wlh waa dadashay Bilaan masha alaha

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  11. wadani dhaba allow dhow says:

    masha alaah nolow bilan sida oo kale aya la doonaya ee in hoos loo ooyo waa laga ficanyahay hadal hadal aya ka celiyo cabsi wax ma tarto waa in runta laga hadla qofwalba in uu soomaali afka ku so taaqo ma ahan sidi hilib mel yala tack Bilan Osman

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  12. Somali says:

    Waxaan kula talinayaa Soomaalida ku nool Wadanka Sweden in ay ka foojignaadaan Xisbiga Kristdemokrat oo olole ku jira sanadkaan doorashada, Soomaali qaarkoodna marin habaabiyey oo siiyey lacago. Marka iska ilaaliya waxyaabahaas.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. ahmed mire says:

    Mansha allaah ilahay ha barakeeyo hana xifdiyo bilan fikirkeeda ilahay ha u hirgaliyo mid meshay ku haminayso garta ilahay ha ka dhigo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  14. bashka says:

    Waa hoolkar bilan dadkeda nah wey difaacday ku dayasho ayey mudantahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Ahmed says:

    Noolow walee waa gabadh. Waxaan rabnaa kuwo badan oo ayada camal ah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  16. rashka says:

    Soomaalida waxay u baahantahay Bilaan-yaal badan si aan cadkeena u goosano wadankaan. Ilaaah haku dhowro Bilaaneey.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. farhiya jama ganey says:

    Ilahay haku dhaafo gabadheni

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. ilahaan says:

    asc aniga hal su,aal ayaan qabaa walaalahayga iiga soojawaaba, doorashada yaan u codeenaa oo soomlida iyo inti muslim ahba dan oogu jirtaa?

    yacni xisbigee ayaan u codaynaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. shukri says:

    Waxan ahay Somali waxan wadanka jooga 4sano waxan leyahay 4 qof oo shaqale mushar qat. Waxan bixiyaa canshuur cunsiriyintuna ima jeclaa marka ma ahan in adan shaqaysan ee waa lagu necebyahay. Dadal wanagsan Bilan Osman.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2