Billström ma la aamini karaa?

8

Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström horta waa nin nuucee ah mise yahay nin la aamini karo? waa su’aal u baahan in dib loo eego hawlihii uu soo qabtay wasiirkaan si aan jawaabteeda u helno. Waxay ahayd 6 Oktober 2006 markii uu noqday wasiirka Socdaalka iyadoo xiligaas ka dib ay isbadeleen waxyaabo badan. Dhinac markaad ka eegto Sweden dadkii ugu badnaa ayay qaabishay sanadihii uu jagada hayay balse marka dhinaca kale laga eego waxa uu masuul ka yahay joojinta mideynta reeraha.

Billström ayaa sidoo kale hada hortaagan dhameystirka sharci siinaya daryeel caafimaad dadka magangalyo doonka ah, waa isaga oo keliya iyadoo inta badan xisbiyada kale ay isku raacsanyihiin meel marinta arintaan. Waxa uu marmarsiyo kaga dhigay in aan loo soo bandhigin qarashka ku baxaya. Dadka u dhuun daloola arimaha socdaalka ayaa aaminsan in Billström ay hageyso siyaasada xisbigiisa oo ku dhow dhinaca midigta.

Billström ayaa marka lagala hadlayo arimaha Soomaalida waxa uu ku jawaabaa oo keliya waxbaan ka qabaneynaa isaga oo ku dara in aysan dooneyn in ka ganacsiga dadka ay furaan. Billström ayaa helay marmarsiyo uu markasta soo bandhigo marka laga hadlayo Soomaalida oo ah ka ganacsiga dadka.

Hadaba su’aasheenii hadaan u soo noqono, ma la aamini karaa Billström? jawaabtu waa maya balse kaligiis hada arinta Soomaalidu kuma xirna ee waxa uu heshiis la galay xisbiyo kale qaasatan xisbiga Miljöpartiet oo dowladu u baahantahay in ay ku taageeraan arimaha Socdaalka. Sidaa darteed waa la furayaa mideynta reeraha Soomaalida balse Billström waxa uu isku dayi doonaa in uu yareeyo irdaha ay Soomaalidu ka soo gali karaan Sweden iyo kuwa ay ka bixi karaan.

Lama dhihi karo Billström waa cunsuri, lamana dhihi karo waa nin saaxiib u ah soo galootiga. Waxaa la dhihi karaa waa danayste doonaya in uu qanciyo codbixiyaasha Sweden ee u qaybsan Midigta iyo bidixda. Marka uu sameynayo go’aan siyaasadeed kama eegayo dhinaca bani’aadanimada balse waxa uu ka eegayaa dhinaca waxtarka, su’aashu madaxiisa ku wareegeysa waxay noqoneysaa MAXAY SOOMAALIDU SWEDEN U FAAIDEYN KARAAN?

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here