Billström muxuu ka yiri go’aankii maxkamada?

9

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström oo ka qeyb galiyay shir ku saabsan armaha Socdaalka iyo isdhexgalka oo ka dhacayay magaalada Halmstad ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan go’aankii maxkamada Socdaalka ay ka soo saartay arimaha Soomaalida waxaa waydiiyay Anders Lindström oo ka tirsan Dalada u dooda mideynta reeraha (Nätverk för rätten till familjeåterförening).

Anders ayaa mowduuc uu ka qoray kulankii wasiirka waxa uu sheegay in siyaasada dowlada ee ku wajahan arintaan ay u muuqato mid nidaamka iyo kontrolka laga hormarinayo dadka dhibaateysan.

Wasiirka oo la kulmay ururka lagu magacaabo ECPAT oo la dagaalama ka ganacsiga caruurta ayaa sheegay in kulaankaas uu ka ogaaday qataraha ka ganacsiga caruurta. Iyadoo horey isla ururkaan uu u cambaareeyay sheegashada dowlada ee ah in ay ka hortagayaan ka ganacsiga caruurta. Billström ayaa u muuqday in uu sawir qaldan ka soo qaatay kulankii uu la yeeshay ECPAT, iyagoo sheegay in aysan war ka duwan kii hore u sheegin wasiirka.

Su’aashii ugu horeysay ee uu waydiiyay Anders ayaa ahayd in maadaama baarlamaanka xisbiyada ku jira ay diyaar u yihiin in la badalo sharciga, goormee ayaa taas la sameynayaa?

Wasiirka ayaa sidii caadada ahayd wax jawaab ah oo lagu qanci karin aan bixin...”Sidaad la socota heshiis ayay gaareen dowlada iyo xisbiga MP balse…” ayuu jawaabtiisa ku bilaabay kuna dhameeyay.

Sidee loogu sharxi karaa waalidiinta caruurtooda loo diiday sharciyada adag iyo go’aamada cusub?

Haa, waa in ay la xiriiraan sharci yaqaanada, ka dib go’aankii ugu dambeeyay waxay noqoneysaa mid iska cad in codsiyada aan dib loo celin.  Hadana hadalkiisa ayuu sii watay “Maya waxaan ka wadaa qofku waxa uu la xiriiri karaa waaxda isdhexgalka ee kamuunada ama Hay’adaha madaxa banaan. Masuuliyada ma leh Laanta Socdaalka” ayuu ku soo afjaray.

Sida iska cad hadalka Billström ayaysan ku jirin wax nuxur ah oo la taaban karo. Wasiirkaan ayaa ah nin ay adagtahay in jawaabo cad laga helo. Hada ka hor mar fadeexo lagu eedeeyay la xiriirta Ciraaqiyiinta ayuu in ka badan 10 jeer ku jawaabay jawaab ka bixin maayo…Marka waa nin nuucaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka Socdaalka ayaa ah ninka hada looga fadhiyo sidii xal loogu heli lahaa shuruuda Soomaalida saaran, rabitaankiisa ayaa u muuqda mid aan cadeyn sidaa darteed Soomaalida waxaa waajib ku ah in dadaalada iyo cadaadiska la siyaadiyo.

Daawo mar wax laga weydiinayo fadeexadii Ciraaqiyiinta …..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here