Billström oo balan qaaday xal ku aadan mideynta reeraha Soomaalida

Ka dib go’aankii maxkamada iyo doodii baarlamaanka ee bishii la soo dhaafay ayaa Ulla Andersson oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet waxay suaal qoraal ah waydiisay wasiirka Socdaalka, taasoo ahayd in uu sheego waqtiga ay dowlada xal u keeneyso arinta mideynta reeraha Soomaalida?

Wasiirka Socdaalka ayaa arintaas uga jawaabay in iyadoo la raacayo heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet iyo qaanuunada mideynta reeraha ay dowladu xal u keeni doonto arintaan. Waxa uu intaas ku daray Tobias Billström in ay xafiisyada dowlada ka socoto shaqada ku aadan xal loo helo arintaan.

Jawaabta wasiirka waloow aysan ahayn mid waqtigeeda cadyahay ayay hadana tahay rajo wanaagsan in ay socoto xalinta dhibaatada  mideynta familada Soomaalida oo dhibaato weyn ku ah kumanaan Soomaali ah oo ku dhaqan Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. Magacaaga says:

    Jamac sxbo arinta mashqulis iyo midadalin u arka bcoz ani o ah aabe ilmahega iga maqan xita DNA la marsiyay aye waxe igu dhahen ninyaho dad danbe meshan lama kenayo e iska sapar… War mar an ku dhintay sida uga dapa waregagay xita hay’ado isacidayen her waraq dignin la iso diray la idhahayo xafisyada buuqa ka dhaf marka maxa sameya adina rajo iyele ano qustay iyagina afcad idhahen qof bini.adam swedan lama kenayo o dacwad ah wa yap

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Run sheg says:

    Waxa cadan ah dolada swidhan inay hada dad sogaloti u bahnen marka adunka wa adun hor maray lagumana dhahayo sida somalida warka cad marka jamacna wa wil dhalin yaro o dalaya lakin dolada wax uma ogolo somalida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Hodan says:

    Shaqesta o wadankina ama kenya hada jogtan ama itobiya shaqesta isku tashada walalayal swidhan way idin didaye fadhiga ka kaco ha wayso wax wadan keda rabo ninki kunac wa la naca asagana wad mahadsantahin dhaman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. argti says:

    sniga waxaan u arkaa sweden in ay tashatay qaxootigana waxaa loo baahan yahay in uu habaysan yahay dhibka waxaa keenay sida aan u arko qofka qofka loo keenaayo oo afka aqoon gurina u hayn familka u imaanaayo. shaqana haysan luuqada swishkan aanan garanayn marka taas ayaa caqabad wayn ku noqotay mark migrationkii aa lalee yahay dadkaan adaa iikeenay ee meel ii gee taasna dhib ayay ku noqotay socialka iyo hay adaha socdaalka marka tan laga tashanaayo waa taas oo kale laftigiina fakera qaladka yaanan la saarin ayaga oo kaliya mida kale anaga dad tiro badan ayaan nahay oo wada guuraayo marka qoyska waxaa uu u baahan yahay guryo waa sac ah si sahalna laguma helaayo waa in saf loo galaa gur yaha marka waxay soo wadaan waa shuruudo hadayba ogolaadaan marka allah fududeeyo waxa qayr ku jiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. abdi fetah manjiste says:

    a s c walaahii arrin taan waa arrin lala yaaban yahay sabatoo ah anaga somaali hadaan nahay talada weey inaga qasan tahay oo maanta meel inooguma saleeys na lakiin ayaga waa arrin daruuri ku ah in lamideeyo reeraha somaalida ah goortii eey ahaataba laakiin soomaalida dulqaad malahan isdajiya waad heleeysaan in shaa allaah haduu eebe idmo runti anaga dad muslimiin ah ayaan nahay dulqaad aan muujino ( laatuqnaduu min raxmati laah ) mahadsanidiin dhamaantiin w s c waraxmatulaahi wabarkaatu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ladan maxamed says:

    ALLE meeshii qeerka noogu jiro hana waafajiyo dhulkeenana waa dhul aan rajo laheeyn wadan dadeeyn kalsooni kuma qabno ee alle dhulkeena hanooga dul qaado musiibada iyo dhibatada ka taagan soomaliyana waa garab rarato ama reer guuraay marka alle wadankena hanoo islaaxiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. saciid cali says:

    Asc/ jimcaale waaku salaamay ugaas warkaan xagee kasoo xigatay baal aankula aqrinee intee ka galaa waana mahasantahay sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Ok says:

    K k k k k k k sacid wan ku salamay hadi mesha warka laga keno lagu shego adi ma inta imanaya mar danbe jornalka magadmayo hadi mesha warka laga helo ad gasho l k k k k k lol jimca ha iska shegin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. xasan cade says:

    asc dhamaan bahda somaliska salaan kadib
    walaal jimcaale adoo aad u mahadsan waxaa talo iga siisaa xaaskegya ayaa migraion/förvaltningsrätten labadaba diidmo ayay isiiyeen waxayna ii direen kamrätten marka xaaska uur ayay leedahay oo maalmo lee u dhiman marka talada aan u waydiinayo ayaa ah hadi soomaalida xayiraada laga qaado malaga yaabaa in Kamrätten ana xayiraada iga qaado mahadsanid brorsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Jimcale says:

    Saciid: waxaad ka akhrisan kartaa bogga baarlamaanka Sweden http://www.riksdagen.se/webbnav/index.aspx?nid=71&dtyp=frs&rm=2010/11&dok_id=GY12505&nr=505

    Xasan cade: xayiraada lagu saaray ma waxaa ka wadaa diidmo lagu siiyay oo aad xaaskaaga u dacwooneysay? haddii arinta sidaas tahay kiiskaaga waxa uu la midyahay dadka kale sida ay ila tahay, haddii isbedel yimaado oo shuruuda laga qaado Soomaalida xaaskana ay markaas caruur kuu leedahay waxaan filayaa in aad fursad leedahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. najma says:

    asc dhamaantina ninkan waasiirka ah muxuu dadka umawelina ma ogo miya inu waqtiga naga luminayo oo na walaay .waxaay ila tahay inu cunsiri yahay oo is qarinayo mahine sidan cadi ma ahaan niyadina waa naga diilay sidaraan mustaqbalkina mugdi ayuu naga saraay suaasha labad waxaan jeclahaay ina weydiyo jimcale oo ah hadeyna dadka isku dhaliin caruurta ey kula tahay ineyna xaaq isku laheyn ina nolosha isla qeyb sadan maxaay isku gursadeyn hadale caruurta iyagaba wey imaneysa maxaa ugu diidan tahay xaqoda ile waa gur xalala waligodey kale xayirnanayaan miya amey biri ku qabsada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. warfaa says:

    ha warunoo rajo kunool aya iska ahanayna salayelahee ilmihi waxa ay jiran afrika angana shaqo mahaysano sidi lagu hayn lahay ayaba qatara ee aloow qeerka soo dedeji ama wadanki oo nawada ama wadankan oo ilmaha soo fududeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. mr abdi fetah manjiste says:

    kkkkk sxb saciid cali walaahii kalimada aad kuhadasahay waa kalimad run ah walaal jimcaale horta waa wax meesha kujiro arrin ka uu kadhaawaajiyay saciid cali kkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. mr abdi fetah manjiste says:

    kkkkk sxb saciid cali walaahii kalimada aad kuhadasahay waa kalimad run ah walaal jimcaale horta waa wax meesha kujiro arrin ka uu kadhaawaajiyay saciid cali kkkkkkkkkkk
    bentana waasheey xaaraam ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Amiin says:

    Nabigeena NNKH wuxuu dhahay dhulka gaalada halaga haajiro ee haloo haajiro maanu oran, rajadiinii gaqal xunaad ku xirteen iyo maxaa swden kasoo baxay war dalkeena ayaa ka qanisan kana hodansan qaboow iyo cayr yanay idin seejin danahiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. khadar says:

    WAAD SALAAMNATIHIIN SXBYAAL LAAKIIN WAXAAN JECLAAN LAHAA JIMCAALE HADII UU OGYAHAY IYO HADII KALABA DADKA WAXAADAN HUBIN HA USHEEGIN WAAYO WAX KA JIRA MALAHAAN ARIMAHAAN DAWLADU GUDI AYAY SAARTAY LA KOOBAN MILJÖGA IYO M KANA SOO BAARAN DAGAYA ARINTA SOOMAALIDA WAXA LA BAARAYANA WAXAA UGU HOREEYA DADKA DIB ISU DHIIBAYA UGU YARAANSANAD AYAY QAADANAYSAA MARKA XAQIIQDU WAA TAAS LAAKIIN MAR WALBA TAN ILAAHAY AYAA MEEL TAALA LAAKIIN MIDA DAWLADA SWEDEN WAA TAAS

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0