Bixitaanka Al-shabaab & saameynta ay ku yeelan karto Somalida Sweden

29

Sida aan ku soo baraarugnay shalay Al-shabaab ayaa faarujisay magaalada Muqdisho iyadoo hada ay dowlada isku balaarisay goobihii ay ka baxeen, isla markaana ugu baaqday dadkii magaalada ka qaxay in ay guryahooda ku soo laabtaan. Bixitaanka Al-shabaab ay ka bexeen magaalada Muqdisho ayaa keeni kara in maamulka magaalada uu hal gacan dib ugu soo laabto.

Hadaba saameyn maku yeelan kartaa Soomaalida Sweden ku nool iyo kuwa higsanaya in ay halkaan yimaadaan isbedelka ka dhacay Muqdisho? Jawaabta fudud ayaa ah HAA balse haddii aan sii lafa gurno, saameynta ugu weyn ayay ku yeelan kartaa Soomaalida sharciga sugaya iyo kuwa doonaya in ay halkaan iska dhiibaan.

Sababta ayaa ah mid iska cad  maadaama mowduucii ugu weynaa ee laysku dhiibi jiray ee ahaa in Al-shabaab laga soo cararay uu meesha ka baxay. Dadkii sheegtay in ay Muqdisho shabab uga soo carareen ayaan taas loo eeki doonin oo xitaa markii horeba wax badan laga suaali jiray sababta aysan u aadin dhinaca dowlada. Hadase magaaladu waa hal DHINAC.

Dhinaca kale, saameyn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa Soomaalidii isku dacwooneysay ee caruurtooda horey loogu diiday iyo reerkooda. Midaas wali ma kala cada maadaama aan horey wax u socon balse waxay ila tahay in dhinacaas xitaa saameyn ay ku yeelan karto in kastoo aysan u balaarneyn marka loo barbar dhigo dadka isku dhiibay ama isku dhiibi raba in ay Al-shabaab ka soo carareen.

Marka laga soo tago isbedelada laga yaabo in ay ku yimaadaan siyaasada Socdaalka Sweden ee ku wajahan Soomaalida ayaa isbedelka ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu noqoyaa mid ay soo dhaweeyaan Soomaali badan oo Sweden ku nool. Cidkastaba ha keentee , waxaan u bugnaa waa amaan. Waxa dalkeenii naga soo wadayna waa amaan daro.

Haddii ay dhacdo in dowlada ay ka dhabeyso sugida amaanka ayaa taasi waxay irdaha u fureysaa xitaa dadkii ay Sweden sharciga siisay in ay dib u laabtaan. Cid ku faraxsan qurbo ma jirto. Dantaa na biday mooyee!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here