Björn Andersson oo si qaldan loo doortay

0

Nin lagu magacaabo Björn Andersson ayaa si qaldan loogu doortay maamulka kamuunka Tierp ee bariga Sweden. balse ninkaan ayaan musharax ahayn oo xitaa aan siyaasada xiiseen ayadoo gudiga doorashada xisbiga FolkPartiet ay ku qaldeen ninkale oo ay magac wadaagaan oo ay isku xaafad yihiin.

Ninkaan la doortay ayaa afartiisa nambar (personnumber) ay gashay doorashada asagoo hada xaq u leh in uu fariisto gudiga maamulka kamuunka balse waxa uu sheegay in uusan xiiseynayn asaga siyaasada oo uu yahay injineer.

Ninka kale oo asagana lagu magacaabo Björn Andersson ayaa sheegay in ay wax lagu qoslo tahay in gursigiisii loo doortay qof kale asagoo dhowr bilood waday olole doorasho balse ninkaan kale loo doortay oo xitaa aan siyaasada xiiseen.

“Way fududahay in arintaan loo qaato mid lagu qoslo balse arin dhib leh ayay ahaan lahayd hadduu rabo in uu gursiga ku fariisto” ayuu yiri Björn Andersson oo ah kan ka tirsan xisbiga Folk Partiet.

balse dhibaatada taagan ayaa hada ah sida uu Björn Andersson saxda uu gursiga ugu fariisan lahaa waayo ninka kale ayaa ah midkaa xaqa loo doortay. jawaab ilaa hada lama haayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here