Booliska Malmö oo luuqada Carabiga baranaya

7

45 askari oo ka tirsan ciidanka booliska magaalada Malmo ayaa bilaabay barashada luuqada Carabiga taasoo ay ku doonayaan in ay kor ugu qaadaan isfahanka u dhexeeya iyaga iyo shacabka ku nool xaafada Rosengård ee ay ku badanyihiin dadka soo galootiga ah.

Askartaan ayaa sidoo kale wax ka baranaya dhaqanka Muslimiinta iyo kan carabta oo looga golleeyahay in ay xushmad u muujiyaan dadka xaafada degan. Taliyaha booliska Malmö ayaa sheegay in la doonayo in boolisku ay si sharaf leh ula dhaqmaan shacabka.

Xaafada Rosengård ee magaalada Malmö ayaa ah mid caan ka ah guud ahaan Sweden taasoo lagu yaqaano rabshado joogta ah. Booliiska ayaa dhowr jeer lagu weeraray xaafadaas.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here