Booliska oo culeys saari doona Tensta & Rinkeby

Booliska Sweden ayaa shaaciyay qorshe cusub oo wax looga qaban doono  waxa ay ugu yeereen 200-300 dhalinyaro ku dhow in ay dambiileyaal noqdaan oo dambiyo ka geysta xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ee Stockholm. Booliska ayaa sheegay in sanadkaan iyo sanadka soo socda ay xoojin doonaan tirada ciidamada ka hawlgala xaafadahaas.

Booliska ayaa sheegay in dambiyada ka dhaca xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ay ka dambeeyaaan 200-300 dhalinyaro ah, kuwaasoo guud ahaan meesha ka saaray nidaamkii bulshada, hor istaagay ganacsigii iyo horumarka xaafadaha. Qorshaha booliska ayaa ah in ciidamada la kordhiyo, in mashaariic laga fuliyo iskuulada iyo in ay xiriir dhow la yeeshaan qeybaha bulshada. Dambiyada ay ku kacaan dhalinyaraddaan ayaa waxaa ka mid ah dhac, kufsi iyo isticmaalka daroogada.

Booliska ayaa intaas ku daray in dhalinyarada Rinkeby iyo Tensta aysan ahayn koox mideysan oo hal magac ku shaqeeya sida Södertälje. Amaanka xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ayaa sanadihii la soo dhaafay gacanta ka baxay iyadoo booliska weeraro badan loogu geystay.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. abdulah says:

    ASC.SALAN KADIB WAXAA WAX LALAYAABO AH OO AAN JAWAAB UHEYN OO CAQLIGE BINI AADAMKA UU LAFAJACO IN DAD LASOO DHAWEEYI OO SHARCI LASIIYI AMABA AAN LASIIN LAAKIIN LOO OGOLAADAY INEEY KUNOOLAADAAN WADAN OO WADAMADOODII EY KA IMAADEEN DAGAALO IYO DHIBAATOOYIN UGU SOO CARARAY IN DADKA NOOCAAS AH EY KU KACAAN FALAL DHIBAATO KU AH WADANKII SOO DHAWEEYAY SI KASTO OO BROBLEM UHAYSTO XAL MA AHA IN FALAL AMNI DARO AH KUFSI DHAC BOOB AMA WIXII LAMID AH XAL MA AHA IN LAGU KACO WAX SABAB AH OO LOO SAMEEYO ARIMAHAAS MAJIRTO WAXAA LUGUU OGOLYAHAY INAAD MUDAAHARAADYO NABADEED AAD SAMEYSATO WAXAA LUGUU OGOLYAHAY INAAD JARAA IDKE DHIBAATADAADE KACADEYSO IYO DURUQ KALE OO BADAN AYAA JIRTO OO NIDAAMKA LOOMARO ANIGU MA IHI QOF DIFAACAAYO WADANKAAN OO YAANAN LIIS ORAN WAA DABADHILIF EE WAXAAN LAYAABANAHY ARIMAHA QAARKOOD WAXAAN QABAA ANIGU HADII AADAN KU QANACSANAYN MEESHAAN OO DHIB AAD KU QABTID ISAGA TAG OO MEELKALE OO AAD KU QANCEYSID TAG

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. Ahmed says:

    ASC.ABDULAHI WAA KUGU TAAGEERSANAHAY WAA SAX 100%

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1