Booliska oo ka digay tuugo doonayso in ay dhacdo macaamiisha Swedbank

4

Booliska ayaa digniin soo saaray ka dib markii ay soo baxday in ay jiraan tuugo email u diraysa macaamiisha Swedbank, kuwaasoo doonaya in ay helaan macluumaadka akoonkaaga. Booliska iyo Swedbank ayaa ku wargalinaya macaamiisha in aysan furin emailka.

E-mailka ayaa waxaa ku qoran in “akoonkaaga la xirayo 24 saac haddii aadan cusboonaysiin” iyadoo markaas lagu siinayo link aad riixayso oo aad buuxinayso foom, sida aad ka aragtaan sawirka. Fariin kale ayaa tuugada waxay qofka u sheegayaan in laga shakiyay akoonkiisa oo si loo xaqiijiyo uu buuxiyo foomka.

Tuugada ayaa doonaya in ay helaan macluumaadka akoonkaaga si ay ka dibna u furtaan oo lacagta kala baxaan. iska ilaali oo ha buuxinin foomka nuucaas ah. Bankiyada emailka uma diraan macaamiisha oo ay kaga codsanayaan macluumaadka nuucaas ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here