Booliska oo lagu dhaawacay Rinkeby

12

Booliska ayaa xalay lagu waxyeeleeyay xaafada Rinkeby ka dib markii ay halkaasi u tageen in ay wax ka qabtaan xaalad meesha ka jidhay. Saqdii dhexe ee xalay ayaa booliska laga soo wacay guri ku yaala Rinkeby, iyagoo dhowr baabuur u soo diray goobtii.

Isla markii ay soo gaareen goobta ayaa dhalinyaro lagu qiyaasay 15-20 waxay ku bilaabeen dhagaxaan iyadoo gabar ka mid ah ciidanka booliska uu dhagax uga dhacay sanka. Gabadha ayaa hospitaalka loo qaaday iyadoo boolisku ay dib ugu laabteen goobta isla markaana ay caawimaad dalbadeen. Markii boolis badan ay yimaadeen ayaa la sheegay in dhalinyaradii ay kala baxsadeen iyadoo aan midna gacanta lagu dhigin.

Booliska ayaa waxaa kale oo loo geystay dhaawacyo xaga gaadiidka ah. Arintaan soo laalaabatay ee ka dhacda xaafada Rinkeby ayaa walwal balaaran ku dhalisay booliska iyo guud ahaan dowlada Sweden. Xaafada Rinkeby ee ay Soomaalidu u badantahay ayaa noqotay goob ay ka caaganyihiin booliska iyo dab damiska. Arintaan ayaa dhalin karta in markii qof wax loo geysto ama dab uu dhasho aysan boolisku ku imaan si degdeg ah.

Soomaalida iyo bulshada kale ee ku dhaqan Rinkeby ayaa la doonayaa in ay qaataan masuuliyada xaafadooda, qaasatan in ay caruurtooda ku baraarujiyaan in aysan waxyeeleyn ciidanka booliska oo u taagan dhowrida amaanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here