Booliska oo sheegay in lagu weeraro xaafadaha soo galootiga

6

Booliska ka shaqeeya amaanka xaafadaha soo galootigu u badanyihiin ee Stockholm ayaa cabasho ka muujiyay weeraro joogto ah oo lagu qaado marka ay xaafadahaas u tagaan amaan sugid. Booliska ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay siyaaday dhagaxaanta lagu tuurayo baabuurtooda.

Gabar ka mid a ah ciidanka Booliska oo magaceeda qarisay ayaa sheegtay in iyada hadda ka hor wajiga dhagax looga dhuftay. waxay sheegtay in ay cabsi ku tagaan xaafadaha sida Rinkeby oo ay sheegtay in aragtida dhalinyarada ku nool xaafadaas ay ka haystaan booliska in ay tahay mid qaldan oo ku dhisan naceyb iyo cadaadis.

Booliska ayaa hada bilaabay in uu adkeeyo amaankooda marka ay booqanayaan xaafadaha soo galootigu u badanyihiin. Baabuurta Booliska ayaa lagu xiray kaamirooyin si loo aqoonsado dhalinyarada dhagaxaanta ku tuurta Booliska. Waxaa sidoo kale boolisku joojiyeen in ay hal baabuur u diraan xaafadahaas iyadoo hada ugu yaraan labo baabuur ay wada socdaan.

Balse booliska ayaa sheegay in aysan arimahaan xal u ahayn dabeecada dhalinyarada ku nool xaafadahaas. Dhalinyarada qaar ka mid ah oo la wareystay ayaa muujiyay naceybka ay u qabaan booliska, iyagoo ka eed sheegtay in boolisku il gaar ah ku eego haddii ay arkaan dhowr dhalinyaro ah oo sheekeysanaya. Waxay sheegeen in ay doonayaan in boolisku uusan imaan xaafadahooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here