Booliska: Qabiilo Soomaali ah oo ku dagaalamay Sweden

Booliska Sweden ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in dagaal dhex maray Soomaali ku nool tuulada Virserum ee ka tirsan gobolka Kalmar uu salka ku hayo qilaaf qabiil oo u dhexeeya Soomaalida. Booliska ayaa soo xiray labo nin oo lagu haysto in ay si xun u jirdileen nin kale, kaasoo loo qaaday hosbitaalka. Booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in arintaan ay ka dambayso dagaal u dhexeeyo qabiilo Soomaali ah, sida uu qoray wargeyska Höglandsnytt.

“Wali ma hubno balse waxaan ka shaki qabnaa in arintaan ay lug ku leedahay dagaal qabiil” ayuu yiri Peter Karlsson oo ka tirsan ciidanka booliska.

Qilaafaadka ku dhisan qabyaalada ayaan ku cusbayn Sweden, iyadoo Soomaalida wadankaan ku nool aad moodo in ayba ka sii dareen markii ay Yurub yimaadeen oo qabyaalada iyo xumaanta ku salaysan qabiilka ay tahay mid xad dhaaf ah. Soomaalida ayaa xitaa waxay gaareen heer ay jaaliyadaha, shirkadaha iyo magaalooyinka ay degaan ay ku saleeyaan qabiilkooda.

Sidee u aragtaa saamaynta qabiilka iyo Soomaalida Sweden?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. maxamud says:

    Qabiilku waa kan faceen naga reebay waxana ilaa ugu talo galay in laysku aqoonsado ee in laysugu faano ama laysku waxyeeleeyo mahaboona anigu waxaan dhihi lahaa soomaalida aan qabsano xariga ale soomaali waa qaraabo dadkase wax yar ayaa og ilaah wuxuu yiri wactasimuu bixablillaahi jammiican ilaa aakhiril aayah jamac wixii lagu waayana lagu heli maayo fardi saas ayey igula quman tahay aniga wbilaahi tawfiiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 28 Thumb down 0

  2. geesiga beesha says:

    qabiilku waa diinta eey heeystaan soomalida diin kale malihin islaamkana waan u nasab sheeganaa waa uun magac balse diinteena dhabta ah ee xadaarada ku dhisan waa qabiil iyadoo sheeydaanka aaynu ku adeecnay is faquuq is heeyb soo cid iyo is yasid ninki aan intaa ka dhiidhin ama ka dagaalina waa la gumeeysan sida midgaha loo galay oo kale ayaa laga dhigaayaa hade mawaeeysan sidaa ahayn somaaliyey? shiikh aqaoonyahan doqon iyo caaqilba waxay salka kula jiraan qabiil.xalna yeelan meeyso ilaa diinta si dhab ah u raacno mooyaane macnaha kitaabka qur aan ka ah dhaqan laga yeesho leesku xukumo xaqa iyo diyoo yinkana lagu kala qaato qur aanka waa inaan ka tagnaa xeerarka beelaha u degsan ee aan ahayn kitaabka qur aan ka ku baarlabaanka tastuurka qortayna hadalkooda iskaba daa waa dad yiri qur aanka waxaa ka fiican nidaabka dimu quraa diga.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 7 Thumb down 9

  3. yaasir says:

    Asc

    waa wax laga yaabo qabiil qaabiika hada lagu dhaqmaayo.sxb qabiil iyo yurub meel ma wada galayaan .qabyaalada waa quran ee aan iska deyno sxbyaal.aan ka fakarno xaga horumarka aloow qabyaalada naga dhexsaar.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  4. Ahmed. says:

    Somaalidu, adunka ee ugu ficanyahan dagalka somali vs somali. Lakiins reer cadanka iyo dhaga caaska, waa laga carara. Doqonimadan in ee dhamato waaye!!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  5. ِAbubakr says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 9

  6. Abubakar says:

    Asc dhamaan somalida meelkasto aad calamka ka joogtan ra,yi ahan aniga waxan dhihi lahaa waa wax laga xishoodo wad argeysiin 4qof ayaa wax sameysay sonaali oo dhan bey sameysay waxa la jooga xiligii somaali nimo leysku taageeri lahaa qabiil iyo qurunkiisa laga tegi lahaaa somaaliyey ilaahey heys kiin jecleeyo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. solo says:

    Aniga waxay ila tahay qofkii kasoo qaxay somalia markuu qurbaha yimidna kashaqeya qabyaaladii uu kasoo cararay hadii arinkas ku cadaado waxaa ila fiican in la masaafuriyo oo meeshii u kasoo qaxay lagu celiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  8. qoslaaye says:

    abaysitti
    waa sax solo arimkaas wa in la celiya hadii kale dadkle aya ku dayandoono

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. maxamud says:

    Geber ayaa haysatay sharci talyaani ah waxayna lahayd fara talyaani sweden ayey timid waa la cafiyay waxaana la siiyay sharci kadib waxay geberti dagaaleen gabar kaleto oo soomaali ah bal u fiirso qabyaaladda Foolxumada ay keentay iyo xaasidnimada geberti waa la kashifay oo waxaa dawladda loo shegay in ay haysato sharci talyani ah kadibna geberti waa la xiray waxaana lagala laabtay sharcigii.haddaba waxaas dadnimo miyaa iska daa soomaliye xitaa qof muslim ah in saas la yeelo ma dawbaa?warkaas aniga ma shaahidin waxase i siiyay qof hadalkiisa la qaadan karo waxayna ka dhacday degmo ka mid ah sweden.war soomaalay aan ale u towba keeno oo iska dayno qabiilka hana lays cafiyo si aan u gaarno guul aduunka iyo aakhioraba WBT

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  10. axmed says:

    dagalka meshu kadacey aniga ayaa jogey ,wa 2wiil o mid bimaal ah iyo mid habargidir ,wexeyna iskudagalen arinta shabelada hoose,kii habargidir ayaa midi geliyey kii bimalka ,marka somaaliyey nagadaafa qabilka fadhlan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  11. RUNTA SHEEGE says:

    HADA QOF KASTAABA WAXA UU SOO QORAYAA, QABYALADI WAA QUDHUN, QABYAALADU KUMA FIICANA YURUB, LAKIIN IDINKIINAN SIDAN SOO QORAYA AYAA U BAHAN INAAD KA SIFAYSIIN NAFTIINA, DIINTIINA, IYO SHARAFTIINABA, SOMALIYEEY WAAN IS OG NAHAY BEEN YAAN LA ISKU SHEEGIN HADA INTOOD SOO WADA QORTAAN MA FIICNA AYAAD HADHOW LEEDIHIIN MAQAXIDII REERKU FADHIISAN JIRAY AYAAN TAGAYAA ADEER RIYADA ISKA DAAYA QOFKATAANA NAFTIISA HAKA BILAABO ANUU TAYDAN AYAAN KA BILAABAY ILAHAYBAAN KA MAGAN GALAY BAHASHAAS. SOMALI WAA ISKU WADA MID WAANA ISKU WADA HAL QABIIL WAANA QOYS ILAHAY BALADHIYEY.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  12. Amin says:

    ASWW.
    Somaliyay aniga waxa ila fiican in aan qabyaalada dhibta ka dhaafno oo aan si fiican u isticmaalno waxkasta hadii aan samayno qabyalad ma dhaafi karno marka aan runta ka hadlayno qofkastaa wuxu dhahayaa qabyaalad ma maqlikaro wuuna qarsanayaa oo ma daynkaro sidaa awgeed waxan dhihi lahaa yaynaan ka sinaysanin qabyalada ee aan cadaysano sida carabta oo kale ninwalba magaciisa iyo baqiilkiisa ha is raacsado si aan la iskugu qaldamin oo qofwalba qabiilkiisu ka muuqo magaciisa, aniga aragtidayda waxa kaliya oo aan qabyaalada ku xalinkarnaa waa in aan badalno qaabka aan u noolnahay the way of living, waayo hada nolosheena oo dhami waxay ku tiirsantahay qabiilkeena sidaa awgeed ma dhaafi karno hada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. soomaal says:

    bal kawarama rwanda xasuuqii kadhacay? hutu iyo tutsi wixii dhaxmaray, hadana nabad, bashbash iyo barwaaqo ey kunoolyihiin wixii dhacayna kamahadlaan weyna iscafiyeen. soomaaliyeey maxaa inaga qaldan???

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. somalijecla says:

    Somalida wa dad ad qabilka cabudo maraka waxan leyha swedn qabil kuma dhiSan hormar ka wa ujeda moshon iyo xiildhiban qabilka kuma dhisn adunka wax ka barat hormarka kan qabil ku fiigray alaha hakuso hanuniye har sveriga isku xiishoda qof qabiil ka hatle rer miiga u badan rer magaled qabil wu ka xiishow wakina wase wax barat adunka lajaqada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  15. Amoore says:

    qof kasta oo soomali ah SANAMKIISA uu caabudo ha iska haysto dalkeenii ayaanba uga soo cararnay sanamyada waaweynaa oo dalka haysta marka maxaa halkaan oo kuwo yaryar oo qofkasta sidii macatabkii qoorta u suran loo diiidaa

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  16. abdinur says:

    Waa soo dhowaynayaa qabiilka waayo qofkasta somali ah waxaa laabtiisa fadhiya qabiil balse comments-ka been ayey ka sheegayaan. Taa bedelkeen anigu runtaan sheegayaa ee qabiilku waa nafteena.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. jabuu says:

    asc. qabiilka waan jeclahay laakiin qabyaalada ma jecli. hala kala saaro labada eray.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. boogxarm says:

    Jiimcalow gal jecel batahy waxan ku sheega wabsiyka benta kada aso qor titta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  19. luul says:

    asc
    walaala yaal qabiilku waa cudur aanu wada qabno oo aan qarsaneyno qofkastaa waxuu ku leeyahay qabiil ma fiicna ee illaah dartiis ayaa fiican hadana waxad arkeysaa asagii oo ku dhex jira isma ogin arintaas waa calaamad munaafaq waxaa fiican qofku in uu leeyahay hal weji oo lagu yaqaan ha qaldanaado haduu rabo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  20. digfeer says:

    qabiilka joojiya calamadaan tuura waa maryo marka waxaan leenahay halcalan hal luqad haldiin saas Baan uga duwanahay Afrika marka nin lagusaaxdow haseexan xilbaad sidaa hasee xan ascw………

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0