Booliska Sweden oo toogasho ku dilay nin Soomaali ah

17

Shalay maqribkii ayaa duulada Geijersholm oo ka tirsan degmada Hagfors waxaa booliska ku toogdeen nin magangalyo doon polisSoomaali ah. Booliska ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay u dileen magangalyo doonka Soomaaliga ah. Shir saxaafadeed ay qabteen ayay ku sheegeen in ninkaan uu midi ku weeraray askari booliska ka tirsan ka dib markii uu dagaal ka dhacay kaamka magangalyo doonka.

Dhacdada ayaa ka bilaabatay ka dib markii uu dagaal dhexmaray ninka Soomaaliga ah iyo magangalyo doon kale. Booliska ayaa sheegay markii ay goobta gaareen ay u tageen ninkaan oo middi gacanta ku haysta kaasoo markii lagu amray in uu midada dhigo ku soo orday askari booliska ah oo ku riday labo xabo oo mid ay ku dhacday ninka. Isla goobta ayuu ku geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay in ninkaan uu maalintii khamiista soo galay kaamka qaxootiga, iyagoo intaas ku daray in habeenka ka horeeyay dhacdada uu marti qaaday asxaabtiisa iyadoo ragga qaar ay qamri goobta ku cabeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here