Booliska Sweden oo ugaarsanaya dadka sharci la’aanta ah iyo cambaareyn loo jeediyay

24

Dowlada Sweden ayaa booliska waxay amar ku siisay in ay dadka sharci darada ah wadanka ka saaraan. Amarkaas polisayaa boolisku ku bilaabeen in ay dadka wadada u istaagaan iyo goobaha tareenada halkaasoo ay qofkii ula muuqda in uu soo galooti yahay aqoonsi ku weydiinayaan.

Booliska Stockholm ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay waxay ugaarsi ku hayeen dadka soo galootiga ah, goobaha tareenada ayaa lagu arkay booliska oo dadka u muuqda “soo galootiga” ku weydiinaya aqoonsigooda. Booliska ayaa qaasatan il gaara ku fiirinaya dadka madoow.

Arintaas ayaa keentay in si’aad ah loo cambaareeyo ficilada booliska iyo amarka dowlada. Xitaa qaar ka mid ah xubnaha dowlada ayaa cambaareeyay arintaan. Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa arintaan ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.  “Haddii ay sax tahay in dadka madoow aqoonsi la waydiinayo, taasi waa mid aan la aqbali karin” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu intaas ku daray in haddii sheekadu sidaas tahay ay ka soo horjeedo amarkii dowlada iyo sharciga u yaala Sweden. Waxa uu sheegay in aan la ogalayn in dadka la joojiyo iyada oo muuqaalkooda la eegayo. Booliska ayaa ku dooday in ay joojiyaan dadka ay ka shakiyaan oo keliya.

Maria Ferm oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa ku tilmaamtay dhaqanka booliska mid cunsuriyad ah iyadoo sheegtay in baarlamaanka ay soo hordhigi doonto mooshin cusub oo mamnuucaya in boolisku ay baaritaan gooni ah ku sameeyaan dadka ajaanibta u muuqaal ka eg.

Soomaalida sharci la’aanta ah ee dhuumaalaysiga ku jooga Sweden ayaa looga digayaa arintaan. Dadka iska dhiibay Migrationsverket ee haysta waxa loo yaqaan LMA-kort t iyagu wax qatar ah kuma jiraan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here