Booliska Sweden oo xabsiga dhigay waalidiin Muslim ah caruurtiina ka qaatay

Booliska Sweden ayaa xabsiga dhigay qoys u dhashay wadanka Malaysia oo haysta baasaboor diplomaasi ah. Hooyada iyo aabaha ayaa lagu eedeeyay in ay caruurtooda ku garaaceen in ay salaada tukadaan. Booliska ayaa reerkaan xabsiga u taxaabay iyagoo caruurtooda ay la wareegtay dowlada. Haddii maxkamad la soo taago ayay macquul tahay in 10 sano oo xabsi ah lagu xukumo.

Hooyada iyo aabaha oo haysta baasaboorka diplomaasiga ayaa sida caadiga ah xaq u leh in aan dambi lagu soo oogi karin balse booliska Sweden ayaa sheegay in labadaan qof ay haystaan baasaboorka balse aysan u diiwaan gashanayn diplomaasi ahaan. Caruurtooda mid ka mid ah ayaa la sheegay in uu iskuuulka u sheegay in lagu garaaco salaada tuggo.

Dowlada Malaysia ayaa hada ku hawlan sidii loo sii dayn lahaa qoyskaan isla markaana caruurtooda loogu soo celin lahaa. Wadanka Malaysia ayaysan sharci daro ka ahayn in caruurta gacanta loo qaado balse Sweden ayay sharci daro ka tahay in caruurta la dilo. Ma ahan markii ugu horeysay ee waalidiin Muslim ah caruurta laga qaato. Horay ayaa waalidiin badan oo Soomaali ah xabsiga la dhigay caruurtiina laga qaatay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Idiris says:

    Asc jimcaale. Waa arin aad looganaxo waxaan leenahay ilahay walidiintaas iyo caruurtodaba hakabad baadiyo gaalada waxaa layaab ah malaysia o dowlad leh dadka sidaas oladhaqmaya somalidu maxaykayelayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Abdi says:

    Allah u sahla reerka muslimka arinkooda. anggana aan ka taxadirna caruurta si degan is faham iyo jaceyl ku dhisan wax aan uugu sheegno. qufkii cunugiisa qancin waaya si dagan wax ku fahamsiin karin ilamaha aha in xoog iyo dil waxx looga keenaya. Degaan iyo xisaab dheer ha lala yimaada .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Abubakar says:

    Inshaa alaah waa ka aarsan doonaa Sweden iyo wax la mid ah waxa ay nagu sameynayaa Hadaan nahay umada ku abtirsata Islaamka , balse Rabi waxaan ka baryayaa in qalbigeena isku soo dumo namideeyo nagu mideeyo kalidiisa xaqa ah sheydaana naga ilaaliyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. salmaan Al geberti says:

    waa war fiican inlaqaato ilmo waalidkii xunyahay maxaase uga aarsane adoo daarood ama hawiye a idilay leh oo walalka ah aa lagu soo dhaweyey waa jiifyaa waa cunyaa yaa wax u dhiibatay maxaase ugu timid yaa kuwacday sxb hagaaji gurigaaga wadankaaga kadib hadal

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 5

  5. zaynab says:

    ASC WAA WAR LAGA XUMAADO WALAAHI ,ILAAHAY SUBXAANAHU WATACAALAA HA OOGA SOOQAADO. INTII KUFARXAYSANA BALAAYO ALLAAH HAKU RIDO MUSIIBO IYO DULI

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ladan says:

    Salmaan ka isku sheegay.qof muslina dhibkiisa in lagu farxo wax wanaagsan maaha.salaaada fara markay 7 yihiin 10 markaygaadhaanna ku garaaca ayaa la yidhi.garaacaas ha u qaadan mid nabro loogu gaysanauo amma lagu lafjabinayo.waase mid wax wanaagsan lagu farayo aakhiro iyo aduunba anfacda.siday doonto ha u dhacdeee dhibka haku farxin muslinka waxaaad ka faaidayso malaha.hadal wanaagsan ku hadal hadii kale aamuskaaa kheyr roon walaal.allaha kuu danbi dhaafo e.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. salmaan Al geberti says:

    ladan walal xasidnimo kama wado ee waxaase iga xanaajiyay abubakar ee yiri waanka aarsan doonaa mida kale zaynab godane maxaa kuugalay waa adiga habaartamayo xasidnimoda ad sheegeyso adaa qabo uqubiga adiga haku qabto xasid yahey shababka ah ma godanaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ali says:

    asc asxabey talo isiiya wa hadi qof ilmid u kiiskeyga u kale hore uso maray u maxkamda i ku cilisay migratinosverket aniga waxan ka mid ahay dadka labada sano u lagu xujeyay aqonsi identit ah marki hore waxa diidma isiiyay migratinosverket waxan ka qatay racfan u udirsaday maxkamda hadana kiskeyga waxe ku socilisay migratinosverket shalay aya i iso dhacday warqad u dib lagu ciliyay kiskeyga migratino maxa is dhihi kartan walo badan u ila mid ah wa jogan dhibka kuli allah naga wada qado dhamaan muradkana allah nu wada sahlo walaal jimcamle adiga xata talo iga sii wa hadi u kiskeyga u kale hore u aragtay mahadsnid all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. maandeeq says:

    allaa kariim

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0