Booliskii ugu horeeyay ee xijaab xiran oo ka shaqo bilowday Sweden

Gabadha lagu magacaabo Donna Eljammal ayaa sadex sanno ka hor dood kulul ka dhalisay Sweden iyadoo noqotay ardaygii ugu horeeyay ee xiran xijaabka ee ku biira Kuliyada booliska. Donna ayaa sadex sanno ka dib waxay maraysaa dhamaadka waxbarashadeeda iyadoo hada si tijaabo ah shaqo uga bilowday qeybta soo dhaweynta ee saldhiga booliska Södertälje.

Donna ayaa sheegtay in ay soo dhaweyn fiican kala kulantahay shacabka. Waxay intaas ku dartay in Swedishka ay ku cusubtahay gabadh xijaab xiran oo boolis ah balse ay doonayso in ay muujiso in dumarka Muslimiinta aysan guriga keliya joogin oo cuntada keliya karin.

Sweden ayaa 10 sano ka hor mamnuuca ka qaaday in calaamadaha diimaha ay xiran karaan booliska. Iyadoo 5 sano ka hor la ogolaaday in boolisku ay madaxa duuban karan sida xijaabka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Axyaa-Wadani says:

    Walaalayaal yaan wax walboo xun wanaag loo arag.
    SHARCIGA Islaamka muxuu ka qabaa in laga mid noqdo Booliska Sweden ama Yurub, mida labaad in gabadh Muslimad ahi ka mid noqoto BOOLIS SWEDHISH ah, gaalo ah marwalbaa la shaqeyso asxaabteed kale ee gaalada ahi, ma wax lagu farxaa.
    Teeda kale gabadhaan polispatrull markii ay sameynee , haddeey kusoo aado nin gaal polis ah way la sameynee , gaadhigana way la raacee taasi ma islaamnimaa ??
    Xafiiska habeenkii haddii labadooda joogaan way la joogee. War dadoow wax walbaa Kitaabka iyo Sunnada haloola noqdo. Allaahna ka baqa, Yaana Diinta laga dheeraan. Gaalo inta la isku nab-nabaana yaan naar lala gelin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. Axyaa-Wadani says:

    Alloow Noo Danbi Dhaaf- Aakhir Zamaan ayaanu joognaa. Waxaa tiri Jimcaale
    |>>>>>>>>> ” Ineeysan Guriga Kaliya Joogin oo Cuntada karin.”<<<<<<<<<<<<<..
    Markaa ineey niman boolis habeen iyo maalinba ku dhex jirtaahi ma wax fiicanbaa,
    gaadhiga la raacdo, xafiiska la joogto, Allaah halaga yaabo dadoow, xumaanta yaan samaan loo arag.

    ….Maanta Xumaantii ayaa dadkii la noqotay waanaag, gabdhaheena Muslimiinta Guryaha ayay Joogaan waxayna soo saaraan JIILKA MUSTAQBALKA, WAYNA ka shaqeeyaan , shaqooyinka u banaan sida Macalinimo, Takhtarad iyo boqolaal shaqo, lkn ineey JIIL SOO SAARTO shaqo ka fiican ma jirto, kana muhiimsan,

    Gaaladii ayaa Iska dabo cararkii ka shaleysan…

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  3. MGCW FAADUMO DIRITO says:

    marka hore jimcaale madhin indumarku cunto kariyaan okali ee gabadha ayaa tiri walal ee khoraalka sifiican u aqri intaadan
    qofana edeyen marka xigta hadii ay gabar muslimad ah ay boliis ama beylood noqoto iyadoo weliba lagu tixgeliyey diinteeda taa aniga fikir ahaanteyda waa guul usoo hoyatay muslimiinta yurub kunool waxayna mujineysaa in ay adaag yada bulshada ee asasiga anu ka qeybqadan karno anagoo diintena ilaalineyna sida aad shegtay oo aydiintenu qabto weyfiicantahay wase markey wadan muslin joogto oo dhowraya sharaf keda iyo karamadeeda khof ahaneed hadase maxa kuu ilaashan ilen wadankan aynu joogno rag iyo dumar waalakala firxada qufwalba meel baa loodira qofqofkale egayana maba arkesid nin walba shaqadiisa ayaa ugamihiimsan waxa aad kadaleysaa mesha maba yaalan waxana leyahay guul inta aymuslimiintu hurdada katosayaan wabilaahi tiwfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  4. jaahilnimo weynaa says:

    scw hortavdadka dhahaayo aniga wey ila fiicantahay ama aniga wexey ila tahay wax kasto sidey u arkan ka dhigto ha ogaadan halaag aya u dambeeyo tan tan kale qof dumar ah marnaba ma noqonkarto police iyo wax lamid ah waa xaaraan qadcan la diid warkaas sal iyo raad malahan midkood diintane yaan laga been abuuran naagtaan wey luntay aakhiradeyda ayey ku dheeshay hadeysan ilaahay unoqon waa qatar dumarkane meeshaan waxey rabaan ayey sameeyaan weyna ku fasahaaden in badailaahay hasoo hanuuniyo waa wax fool xun aadna u qaabdaran

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. hanad says:

    Waa wax lagu farxo. In hormarkaas. Lagaaro qofka diinta asaga ayay kuxirantahy somaaliyay dooda joojiya qilaaf baad. Cilmi u haystaan. …..hadalka. waxa looga jeedo fahma.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  6. Abdiasis says:

    asc walaalyaal meeshaan feker uma baahna hadii aan nahay muslimiim maxaa yeelay ilaahay wuxuu yir suuraul axzaab WAQARNA FII BIYUUTIKUNA oo macnaheedu yahay gryihiina ku ekaada habloot. marka hal joojiyo fakarka amar allaaa yaala meesha waad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Abdiasis says:

    sorry meesha ah habloot waxaan ula jeeday hablooy oo macnaheedu yahay dumaroow

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0