Boqorka iyo boqorada Sweden oo loo diiday in ay maqaaxi galaan

13

Boqorka iyo boqorada Sweden Carl XVI Gustaf iyo Queen Silvia  ayaa loo diiday in ay galaan maqaaxi ku taala dalka Germalka ka dib markii milkiilaha maqaaxida ay sheegtay in aysan aqoonsan in ay yihiin boqoro iyadoo intaas ku dartay xitaa haddii ay aqoonsanlahayd in aysan boos u hayn maadaama goobta uu ka dhacayay aroos.

“Ma aanan aqoonsan. Balse xitaa haddii aad boqortahay iyo haddii kaleba uma aanan hayn miis maadaama aan mashquulsaneyn” ayay tiri milkiilaha maqaaxida.

Waxay intaas ku dartay in ay qorsheynayaan in ay raali galin u diraan boqorka iyo xaaskiisa.

Ka dib markii loo diiday maqaaxida ayaa boqorka iyo boqorada waxay pizza ka cuneen suuqa magaalada. Boqorada Sweden ayaa lafteeda ka soo jeeda Germalka.

Qiyaas haddii uu boqorkaas ahaan lahaa kuwa carabta ama xitaa gudoomiye degmo ee magaalada Muqdisho. Saacadaan maqaaxidaas irdaha ayaa laysku dhufan lahaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here