Boqorka Sweden oo dalbaday in loo kordhiyo reerka biilkiisa

Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa dowlada ka dalbaday in loo kordhiyo biilka reerkiisa oo loogu daro lacag gaareysa ilaa 2 milyan oo dollar.

Qoyska reer boqor ayaa hada biisha 6 milyan oo dollar sadexdii sanaba balse boqorka ayaa sheegay in aysan lacagtaas ku filneyn reerkiisa maadaama hada ay siyaadeen oo sanadkii hore la guursaday gabadhiisa Victoria isla markaana hada ay gabadh dhashay.

Lacagta ayaa loo isticmaalayaa biilka reer boqor iyo daryeelka guryaha ay deganyihiin. Boqorka Sweden ayaan lahayn wax awood siyaasadeed ah taasoo dhalisay in dhowr jeer dadku ay isweydiiyaan sababta loogu baahanyahay in Sweden ay boqor yeelato.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. POSITIVE MAN. says:

    😀 haloo kordhiyo boqorada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. malaak sharif says:

    yaab waaye
    alxamdulilaah calaa kuli xaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ragiihore says:

    dhididkayga ay jiif kucunaan gaalo aaqiro aad keeneysaan, ileyn canshuurta nalagaqaado inta shaqeysa aa lasiiyaaye

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. GalMudug State Medborgare says:

    To ragiihore
    kkkkkkkkkk walaahi waa yaab iyo bilaahi, waar sxb nimankan aynu la joogno ilaahaybaa boqoree hadey boqorkoda mushaharka u kordhiyaan ma ceebaa ku jaban mida kale hadii canshuur lagaa qaado oo ay fadhiga ku cunaan sow wadankoodii maaha mida kale dad badan oo somaliya oo xitaa laga yaabo inaad adigu ka soo mid noqotey sow rag canshuurtooda laguma biili jirin oo fadhiga laguma cuni jiri dad baaba ilaa maanta fadhiga ku qaata waxa loo yaqaano caydha. war nimanyahow umadu aynaga nabad gasho oo wadanka iyagaa lehe aynu umada dhinac ka raacno oo hala shaqo tago ilahay wumada somaliyeed waxan ka baryayaa in ilaahay u fududeeyo sidey diintooda ugu dhaganaan lahaayeen uguna camal fali lahaayeen una shaqeysan lahaayeen in ilaahay u fududeeyo aamin aamin aamin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0