Boqortooyada Sweden oo la kulantahay Soomaalida

14

Maanta waxaa magaalada Fagersta nagu soo booqday dhaxalka sugaha boqortooyada Sweden Kronprinsessan Victoria iyo  Prins Daniel iyo wasiirka Socdaalka Erik Ullenhag kuwaasoo warbixin ka dhagaystay maamulka kumaanka iyo qaar ka mid ah Soomaalida oo anigu aan ka mid ahaa.

Xubnahaan muhiimka ah ayaa magaalada u yimid si ay wax uga ogaadaan xaalada Soomaalida iyo sida ay u socoto hawsha isdhexgalka. Gudoomiyaha degmada Fagersta ayaa ka waramay xaalada Soomaalida, iyadoo ay soo raacday gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Fagersta oo iyaduna ka warantahay dareenka hooyooyinka Soomaalida.

Aniga ayaa warbixin ka siiyay xaalada guud ee Soomaalida, ganacsiga iyo warbixin ku saabsan bogga Somaliska. PrinsessanVictoria iyo seygeeda  ayaa ku farxay markaan u sheegay in akhristayaasha Somaliska.com ay hambalyo u soo direen markii ay gabadha yar u dhalatay. Waxay u muuqdeen dad aad u xiisaynaya arimaha Soomaalida iyo isdhexgalka. Prins Daniel ayaa qaasatan u muuqday nin xiisaynaya in dadka Swedishka ah iyo soomaalidu ay isbartaan.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa isna i waydiiyay in Soomaalidu ay doonayaan in ay Sweden degenaadaan, taasoo aan u sheegay in haddii Soomaalidu ay helaan fursado shaqo iyo ganacsi aysan meelna u socon balse xaaladu hada ay tahay mid ku adag Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here