Burcada internet-ka Nigeria oo cashar xanuun badan u dhigay nin Swedish ah, qiyaamay 300,000kr

6

Nin Swedish ah oo lagu magacaabo Makael ayaa cashar xanuun adag waxaa u dhigay burcada Internet-ka Nigeria ka dib markii ay isaga dhigeen in ay yihiin haweeney qurxoon oo Maraykanka u dhalatay. Mikael ayaa markii ay xaaskiisa kala tageen, isaga oo qalbi jabsan waxa uu iska diiwaan galiyay bogga Badoo oo ay ku wada xiriiraan dadka shukaansi doonka ah.

Halkaasi ayuu kula kulmay haweenay isku sheegtay in ay Maraykan tahay, iyadoo uu durbadiiba la dhacay. Dhowr maalmood ka dib ayay ka codsatay in uu u soo diro 100 Euro.

“Waxaan is dhahay lacag badan ma ahan, inkastoo aan ogahay in aysan habooneyn in arimahaas la sameeyo ” ayuu telefishinka SVT u sheegay Mikael.

Ka dibna waxaa soo kordhay codsiyada, iyadoo lacago kala duwan waydiisatay in uu u soo diro. Markii dambe waxay u sheegtay in ay joogto Istanbul oo ay dahab 83 kilo ay ka soo iibsatay oo hadda uga xayiran xafiiska canshuuraha,  isla markaana ay u baahantahay 170.000 kr. Isagoo Mikael lacagtaasi ka soo deynsaday bankiga. Waxa uu sheegay in qofkaasi uu dareenkiisa si fiican uga faa’idaystay.

ilaa xiligaas wali lama uusan kulmin qofkaan Mikael,  balse waxay ku balameen in xiliga Kirismaska ay imaan doonto Sweden isagoo iska xaadiriyay ayroboorka Arlanda balse cidma uma imaan. Xitaa tikitka isaga ayaa u diray oo qarashkiisa bixiyay. Maalintii ku xigtay ayuu helay email ay ku qorantahay in saaxiibtiis ay shil baabuur gashay oo ay hospitaalka ku jidho.

Waxaa loo soo diray sawir la soo farsameeyay oo muujinaya haweeney hospitaalka jiifta, kaasoo shaki ku dhaliyay Mikael, markii ugu dambeyntii uu baaritaan sameeyay ayay cadaatay in kombutarka laga soo diray emailka uu yaalo Nigeria oo cida uu u maleynayay in ay tahay haweenay Maraykan ah ay ahaayeen burcada caanka ah ee internet-ka ee ku nool Nigera.

Mikael ayaan rajo ka qabin ay lacagtii u soo noqoto, isagoo hadda ku jira deyn badan oo sanado ay ku qaadan doonto in uu iska bixiyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here