Cabashooyinka da’yarta aan la wehlin

9

Dhalinyarada iyaga oo aan la wehlin yimid Sweden ee ku xareysan goobaha loogu tala galay soo dhaweyntooda ayaa cabashooyin ka muujinaya xaga cuntada iyo doorashada halka ay degeyaan.

Qofka isku dhiiba 18 sano ka yar ayaa la geeyaa goobo ay maamulaan degmooyinka Sweden iyadoo qofkaasi uusan lahayn xoriyad uu ku dooran karo halka la geynayo. Qaar ka mid ah dhalinyarada la geeyay degmada Hofors ee ka tirsan gobolka Gävleborg ayaa ka cabanaya in aysan helin hilibka xalaasha ah.

Ka dib baaritaan ay sameeyaan gudiga soshalka (Socialstyrelsen) ayay ku amreen maamulka kamuunka Hofors in ay dhalinyarada u keenaan hilibka xalaasha ah. Kamuunka ayaa arintaas ka biyo diiday iyagoo sheegay in aysan qofkasta u fulin karin codsigiisa.

Cabashooyinka kale ee ay qabaan da’yarta ayaa waxaa ka mid ah in aan la siin fursad ay ku doortaan halka la geynayo, iyadoo laanta Socdaalka iyo kamuunadu ay heshiis ku galeen kamuunkasta inta qof uu qaadanayo.

Dhalinyarada ayaa doonaya in ay degaan magaalooyinka waaweyn sida Stockholm iyo Göteborg balse dadka qaabilsan soo dhaweynta ayaa sheegay in aysan macquul ahayn arintaas oo dhalinyaradu ay ku farxaan haddiiba boos loo helo.

Xitaa dadkaan la soo dhaweeyay ayaa lagu eedeeyay mararka qaar in ay ku kacaan falal xadgudub ah sida dagaal iyo qarbudaad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here