Cabashooyinka magangalyo doonka oo sii kordhaya

4

Shalay waxaan soo qornay in magangalyo doonka ku nool magaalada Arboga ay diideen cuntadii loo dalbay balse waxaa sidoo kale soo baxaya dhacdooyin midaas ka kulul oo ka dhacaya kaamamka kala duwan ee Laanta Socdaalka ay dadka geyso.

30 ka mid ah dadka ku xareysan kaamka Askersund ee u dhow Örebro ayaa isaga tagay halkaasi iyaga oo tareenka u socda Gävle ku raacay tikid la’aan. Markii tareenka uu marayo kamuunka Lindesberg ayaa dhamaantood laga dajiyay tareenka iyaga oo bas dib loogu celiyay kaamkii. Balse markii ay kaamkii gareen ayay diideen in ay ka dagaan baska iyaga oo ka cabanaya in nadaafada kaamka ay tahay mid aan loo dulqaadan karin oo ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan kaamkii hore ay ugu jireen ee ku yaala Gävle.  Ugu dambeyntii booliska ayaa arintii soo kala dhexgalay.

Dhinaca kale kaamka ku yaala magaalada Eskilstuna ayaa la xirayaa bisha Janaayo ka dib markii ay dagaalo xun oo u dhexeeya magangalyo doonka halkaaasi ka dheceen maalmihii ugu dambeeyay oo waxaa si qatar ah ugu dhaawacmay mid ah mid ah dadka halkaasi ku jira oo midi la galiyay.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aysan boos u hayn dadka oo kaamamka qaarkood ay dadku seexdaan jaranjarada. Nolosha kaamamka qaarkood ayaa ah mid aad u liidato iyadoo dadka qaar ay ku qaadato mudo sanado ah in ay halkaasi ku nagaadaan.

Mid ka mid ah dadka ku jiray kaamka Eskilstuna ayaa hada waxaa lagu soo oogay dambi ah in uu isku dayay in uu dilo qof kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here