Cabsi laga qabo in Sweden ay Soomaalida ku celiso wadamo aysan u dhalan

Iyadoo ay si xoog leh u socoto musaafurinta dadka laga celinayo Sweden ee sharciga loo diiday, ayaa waxaa soo baxaya cabsi ku aadan in Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay si qaldan u fasiratay dhalashada qaxootiga qaarkood, oo laga yaabo in shaqsiyaad la geeyo wadamo aysan u dhalan.

Arintaan ayaa qaasatan cabsi ku ah Soomaalida, maadaama ay sanadkii 2014 soo baxday in qaar badan oo ka mid ah dadkii loo diiday sharciga ka markii baaritaan lagu sameeyay lah-jadooda si qaldan loo baaray. Arintaasi ayaa ka dambeysay ka dib markii nin Soomaali ah oo waxbarashadiisa been ka sheegay loo xilsaaray in uu dadka xaqiijiyo halka ay ka yimaadeen isaga oo dhagaysanaya luuqadooda. Taasi ayaa keentay in ninkaasi uu dad Soomaali ah ku sheegay in ay ka yimaadeen Kenya, Tanzania, iyo xitaa Rwanda.

Laanta Socdaalka Sweden ayaa xitaa isku dayday in ay gabadh Soomaali ah ku celiyaan Tanzania, iyadoo markii wadankaasi la geeyay ay diiday dowlada wadankaasi in ay qaabilaan.┬áInkastoo markii dambe ay Migrationsverket heshiiskii kala noqotay shirkadii uu u shaqaynayay ninka beenaalaha ah ayaysan haddana wax ka badalin inta badan go’aamiddii uu gaaray.

Hadaba hadda oo booliska lagu amray in ay 80.000 qof wadanka ka musaafuriyaan, oo bishaan June, dad badan laga goostay lacagtii gunada isla markaana laga ceyriyay guryihii ay deganayeen, ayay soo baxaysaa cabsida ah in dadkaasi oo qaarkood hadda xabsiyada ku jira in lagu celiyo wadamo aysan u dhalan.

Wargeyska SvD oo arintaan mowduuc dheer ka diyaariyay ayaa qoray in arintaan ay sidoo kale ku dhacday dad ka soo jeeda Kurdistan oo lagu celiyay wadamada Armernia iyo meelo kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Abdisalaam says:

    Mudane dadka la celinaayo ma ku jiraan qofka ka yar da’diisa 18sano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Ismahan says:

    S c cabdisalaa. Sweden qof 18 sano kayar macelineeso.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. SOMALILANDER says:

    DADKA SHEGANAYA WADAN AYSAN KA IMAAN HALOCELIYO NINKA LOQADAHA BAARAY QAR BU KUSAXNA DAD WADANADOODA AY UHAGAGSAN YIHIN AYA SHEEGTA WAYNA OG JIHIN

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Djabuti , Somaliland, kenyan, Somali Ethiopian, Somali carab, Yemen.

    Iyo Kuwo kale oo farabadan Ayaa isku dhiibey Somali.

    ***http://www.svtplay.se/klipp/3916503/svt-nyheter-varmland-foljde-med-pa-somalisk-fest

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  5. Sahra shiiqey says:

    Guri laka dagnaado maxuu taraa hadii kistii yareed laka goosto qofka maxaa danta ku qasbeeso in uu meel raadsado ehel sxb meel uun uu jaan dhiko mida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Sahra shiiqey says:

    Waxaan ka mid ahay dadka diidmada heesto xitaa poliska ayaa lakulmay oo si aad ayaa leku caga jukleyey waxaana leku war galiye in aay dowlada soomaaliya war kasugayaan oo hadii dhahaan dadka hala soo celiyo in si qasab ah leku celinayo markaas kadib aad ayaan u ciishoday waxan ku dhahay waxba ikama dhibeso hadii aad wadan keyga iku celiso oo wadankaan adaa is kaleh xiisana uma qabo nolol macaana kuma heesto alla ciil badanaa wlh waligeey rajo ku nool ayaan ahaa lkn hada bis waaye sweden wee so jesatay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  7. adoon ilaahay says:

    siduu Allah ino qorsheeyey aya dhacay walwalka iskadaya

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Mohamed says:

    Waligaa hawalwalin wax somali iskucelinaa majiraan qasabna majira sharciyaa uyaalo in qof aan xoog lagu masafurineeyn lakiin waxaa lagu duceystaa lee ilaahow meel qeyrqabta lee ilaah kumahoojindonee asaga talasaralee kheeyrkeey tageeysaa markaas insha allah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  9. sahro Maa ka tagtoo talysniga aado maxaa iswedhan yaal oo isugu dhajinysaan walashy allaaha raxmaanka ah kurbadada ha faydu waa maalin jimce ah uguna horayso sonka ilaahy somali iyo intii islaam ah gaalda ha u cabiidsho inshaa allaah haday ku ceshaan mel ka khayir badan allaha ku geeyo has well walin ilaahy baa deeq badan abaayo asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. moha says:

    Walaaha somaliyeed ee aan sharciyada hayaan plz sweden ha isku dhajina hana isdhibina plz waxaa idiin fura options badan war waxaa jiro wadamo sida talyaniga iyo france aada ama hadaad kia heleysaana canada u gudba wlhi musafuris wax jira maaha mida kale walalayaal aan caawino walalaha la diido oo somalia inta lagu celinlahaa aan cawino wax isugu dardarno wlhi oon safrino dadka qaar baa jiro cidina ka danbeen gurigoodi loo soo iibiyey plz qabyalada daaya dadka aan garabsiino sahra walaal isku day inaad italy aado ama.france walaal arinkan waa isoo maray 2 sharci baa isoo wada dhacay mar qura kii sweden baan qaatay marka dhulkaas aniga hubee walaley aad dalalkaas mid ka mida waliba france waxad ka aadaa angers ama dijon hada italy adeysana bari ama catania

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  11. mubaarik yus says:

    Allah Haka indha saabo gaalada walaha somaliyed ee diidmada haysta Allah isaga qadire howga soo qado wxii kheiyrku ku jirro Alah haydin wafajiyo inshalah Lkn Allah ku xidhnow wll kuma hoojinayo waan huba kurbadana iska saar inshalah khieyr wlo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Madaale says:

    Maxkamada uqorta codsi dhamaan inta lacagta laga goostey somalida yaan loo kala harin hadii aan isku xirnaano xuquuqdeena waa heleynaa banaan bax baarlamaanka hortiisna ama Maxkamada aan sameeyno somaliyeey far keli ah fool ma dhaqdo aan danteena u wada istaagno anigaa koow ka ah waxaana dacwo u direy Maxkamada wilina jawaab ma ii soo dirin idinkana sidoo kale u dira dhamaan inta diidmada heysato oo lacagta laga goostey somali nabad iney ka jirin aduunkoo dhan ayaa og lkn naagaa jilac san oo ah dad xuqooq dooda u doodi Karin ee hordada aan kakacno asxaabey Ramadan kariim

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. Khayr jecel says:

    Illahay baa ina caawinaya insha allah talafa asaga aynu u dhiibano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. kheer jecel says:

    maxaa la gudboonaan karo khofka inuu aado horta qaabkee lomaraa yaa hayo wada macqul ah oo lagu gudbi karo faransa ama itly sababtoo ah meeshaan joohgis ua laha dadka didmada heesta ra yi macquula h oo l lahubo yabo asaxaabeey xaalkana halku maraa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. hooyo soomaliyeed says:

    Abaayo sahra meelan kala soo xariiro is qor si aan informaiton kaaga siiyo arintan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Mubaarik says:

    wll waxaan ahay dadka sharciga loo diiday ee sweden fadlan waxaan rabaa sidee loo gali karaa france ama canada meelwanaagsan oo sharci kahelaayo ayaan rabaa fadlan isoo jawaab qofkii warbaxin haayo ama talo isiinkara thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0