Caruur Soomaaliyeed oo badbaadiyay tuulo ku taala Sweden

3

Tuulada lagu magacaabo Yllestad oo ku taala duleedka magaalada Falköping ayaa qarka u saarnayd in la xiro iskuulka keliya ee halkaaasi ku yaala isla markaana la joojiyo baska keliya ee ku xira Falköping balse caruurta Soomaaliyeed ee lala mideeyay waalidkooda ayaa badbaadiyay tuuladaas, sida lagu qoray wargeyska caanka ah ee SvD.

Wargeyska ayaa warbixin dheer ka diyaariyay sida caruurta Soomaaliyeed ay si degdeg ah ula qabsadeen bulshada Sweden isla markaana ay luuqada u barteen, faa’iidada ay caruurta Soomaaliyeed u keeneen tuulada Yllestad ayaa ah mid la taaban karo, iyaadoo intii aysan imaan caruurta Soomaalidu la doonayay in la xiro iskuulka ku yaala tuulada maadaama ay aad hoos ugu dhacday ardada dhigata. Waxaa kale oo la joojin lahaa baska isku xira tuulada iyo Falköping. Markii 500 oo caruur Soomaali ah lala mideeyay waalidkooda ayaa taasi keentay in iskuul looga waayay gudaha magaalada Falköping iyadoo taasi keentay in baska lagu qaado oo la geeyo iskuulka tuulada Yllestad oo sidaa darteed ku badbaaday.

Caruurta Soomaalida ayaa si wada jir ah wax ula barta caruurta Swedishka taasi oo keentay in ay degdeg luuqada ku bartaan. Wargeyska ayaa muujiyay faa’iidada ay leedahay in caruurtu ay wax wada bartaan. Iyadoo ay kamuuno badan cabasho weyn ka muujiyeen sida ay u qaabilayaan caruurta lala mideeynayo waalidkooda ayaa Falköping waxay sheegeen in xaaladu ka duwantahay sidii ay filayeen maadaama caruurta Soomaalidu ay noqdeen kuwo aad u firfircoon oo luuqada waqti kooban ku bartay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here