“Caruurta oo la soo hormariyo si ay reerka ugu dacwoodaan”

Magan galyo doonka loo yaqaan caruurta aan la wehlin ayaa waxaa la aaminsanyahay in ay wadanka isaga dhiibaan si ay ugu dacwoodaan reerkooda.

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Sweden ayaa aaminsan in dadka isku dhiiba 18 sano ka yar ay waalidkood u soo direen si ay isaga dhiibaan Sweden oo ay waalidka ugu dacwoodaan markii la qaabilo. Laanta  Socdaalka ayaa fariin ay bogooda ku soo qoreen ku sheegtay in caruurta iyo dadka waaweyn aysan u kala saarin marka la baarayo kiiskooda.

Hadaba baaritaan lagu sameeyay in caruurta la soo hormariyo ay waalidkood u dacwoodaan ayaa lagu soo bandhigay in ilaa sanadkii 2007-2010 ay Sweden sharci siisay 4200 caruur aan la wehlin ah. Caruurtaas sharciga la siiyay ayaa waxaa reerkooda u dacwooday 10% oo keliya iyaga oo keenay dad gaaraya 1130 reerkooda ah. Maadaama Sweden ay joojisay mideynta reeraha Soomaalida xiligaas ayaa laga yaabaa in ay sabab u tahay tirada hooseysa.

Degmooyinka Sweden ayaa markii laga dalbado in ay qaataan caruurta sharciga la siiyay ayaa qodobka ugu muhiimsan ee ay ku doodaan uu yahay in ay caruurtaan yihiin kuwo loo soo diray in ay waalidkood Sweden soo galiyaan. Laanta Socdaalka ayaa ku doodaysa dhinaceeda in aysan arintu sidaa ahayn ee tiro yar ay reerkooda u dacwoodaan.

Dadka ugu badan ee Sweden  isaga dhiibay caruurta sanadihii dambe ayaa waxay ahaayeen Afghanistan oo ay soo raacaan Soomaalida. Waxaan wada ognahay in Soomaalidu aaminsanyihiin in ay fududahay in sharciga lagu qaato caruurnimada ama in reerka lagu keeno balse arintaas ayaan midna sax ahayn. Waa isku mid arintu haddii ay tahay waalid halkaan jooga oo caruurtiisa u dacwoonaya ama caruur halkaan joogta oo waalidkood u dacwoonaya.

Afghanistaanta ayaa la ogyahay in ay soo diraan caruur aad u da’a yar si ay waalidkood u keenaan. Arintaas ayaa waxaa toos iigu sheegay mid ka mid ah gacanyaraasha xafiiska Shaqada oo qaabilsan soo dhaweynta dadka cusub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Siigaale says:

    Dhalinta yar yar ee soomaalida ah waxeey ila tahay in waalidkood ay dhibaatada kala soo ordaan iyo dagaalada jahliga ah ee ma dhamaatada ah ee ma jiro waalid ilmihiisa isaga soo fogaynaya hakuu soo dacwoodo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. NJB says:

    walidiinta somali waxa jiro wax yabo an ka surtoobin oy ka mid tahay midan halkan ku qoran , u maleen maayo inu jiro walid ubadkiisa sotah riibinayo bada so marinaayo si u ugu dacwoodo ee dadoow ma ruunta lesu sheego . tan xitaa fikir uma bahno ee waxan u arkaa… nin bukow boqol ku talisi. asc

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. FM says:

    Ma moodaa Jimcaalow arimaha Soomaalida inaad mashquul ku tahay iyo arimahooda hoose iyo ceebtooda intii aad soo bandhigi laheyd horumarkooda iyo wax qabadkooda fiican, Soomaalibaa canshuur xaday, Soomaalibaa been u isku dhiibta, Rinkby ayaa Swidishkii ka guurey iyo xataa Soomaali la diley oo aad tiri Soomaalibaa Norge wax ku diley inkastoo aad gadaal ka bedeshay, marka kuwa ku kacsan Soomaalida arinteeda iska dhaaf,e wax ka fiican arimaas noo soo bandhig walaal. Mahadsanid.!!!!???

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      FM sxb soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin weyn xankiis ma mooga” Waa sidaa darteed sababta aan u soo qoro waxyaabaha ceebta ah ee nagala qoro. Haddii aanan ogaan cadowgeena iyo waxyaabaha ay nagu dhaliilayaan iskama difaaci karno, ismana sixi karno. Soomaali sharafteed anigaa jecel balse dhibaatada ayaa ah in ceebteena ay ka badantahay wanaageena.

      Anigu Soomaali kama soo horjeedee waan taageersanahay. Waxaan u shaqeeyaa waa in aan fahano dhaliisheena, garano wanaageena, isla markaana aan sameyno horumar. Ma qoro xumaan oo keliya balse waxkasta oo ku saabsan Soomaalida aniga waa i xiiso galiyaan. Mahadsanid.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

      • FM says:

        Mahadsanid sxb hadaad tahay Jimcaalihii rasmiga ahaa ee Somaliska.com waan ku fahmay.

        U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Saredo1 says:

    Waa jirtaa in aan aaminsanahay in caruurnimada sharciga laguhelo balse majirto waalidiin ilmahooda usoodira hakuu dacwoodo waana wax xaqiiqada ka fog waa sheeko ladhihi karo tuhun ama malo iyo dano ayaga ugaara taasina kama suurowdo waalid soomaaliyed ama waalidiin kaloo badan e wax laqaadan karo hasheegen asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. fatima says:

    fm iyo sareed waad mahad santihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. fatima says:

    siigaale iyo njb idin kana sidoo kale inaad magaca difaac daan haka caajisina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. MR: NICE MAN. says:

    WAA WAX WANAGSAN IN DHALIISHEENA LA BARTO, SI AAN UGA DHEERANO WAXYABAHA XUN XUN, IN DHALIISHEENA LA SHEEGO WAA NOOC KA MIDA DHIIRI GALINTA UMADAHA, DHANKA KALE AAN ISKU DAYNO INAAN UMADA KA DHEX MUUQANO OO AAN ISA SOO SAARNO MAGACEENANA KOR U QAADNO.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. hassan says:

    run ahaantii waa run Jimcale waa wanaagsan in xanta soomaalidda ee hadal hayo dadku ogaadaan isna saxaaan balse asxaabeey waxaa jecelahay inaan idiin sheeko waxyaabaha dadka dhibaatadda u keenaya aan indhaha laga qarsan karin sida FILM u cusub oo mar dhaw la filaayo in lagu VÄXJÖ, film waxyaabaha laga sameeynayo, waxaa ka mid ah AYUUTADDA AMA HAGBADDA sidoo kale in ragga soomaalidda dumarkoodda bah dilaan sidoo kale in ilmaha soomaalidda in inteey baahi reer ku dilaan aay dukaamadda ganacsiga aay dhacayaaa iyo waxyaaabo la mid aan qaarkood wanaagsaneen in la ogeeysiiyo kamuunadda iyo social-ka, sida wada ogyahay qof walba ceyr qaata waxaa siiyaa wax nolol intaa buu ka aruuriyaa lacago ama uu dadkiisa u diraa ama uu markaa keydsadaa miyeey wanaagsan tahay arintaa oo kale xitaa sida igu maqaalo waxaa lagu turjumayaa afsomali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. hassan says:

    waxaa lagu turmajayaa af swedish sidoo kale maalinta la qabanayo waxaa lagu casuumayaa kamuunadda kronbory

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. abdilaahi says:

    aniga ah inan la dhaho abdilahi m dadka swedhen ka ah waxan wey diinayaa goorma ayaa hadkaa qaadayaa bishee bal iisoo sheega adoo raali ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. odey says:

    SXB jimcaale arin muhiim ah ayaan rabaa inaan kusoo qoro, cinwaan aan kuugu soo diro sxb isoo sheeg,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ciise says:

    Walaal jimcale maxad uso qori la.dahay dadka an wax isku dhalin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0