Caruurta qaxootiga oo qamri iyo daroogo ku mashquulay

4

Booliska ayaa diigniin ka soo saaray in caruurta qaxootiga aan la wehlin (Ensamkommande barn) ay aad u isticmaalaan daroogada. Booliska ayaa qaasatan ka digay in caruurta u dhalatay Afghanistan ay si sahlan ku helaan daroogada nuuca loo yaqaan Heroin-ka taasoo ay siiyaan qaxootiga kale ee ka yimid Afghanistan.

Booliska ayaa isbuucii hore waxay sii xireen toboneeyo caruur ah oo ka soo jeeda Afghanistan kuwaasoo lagu qabtay iyaga oo isticmaalaya daroogada. Dadka ka ganacsada daroogada ayaa la sheegay in ay xitaa bilaash ku siiyaan caruurta si markii ay balwada la qabsadaan ay uga iibiyaan.

Ma ahan caruurta ka soo jeeda Afghansitan oo keliya balse qaar badan oo ka mid ah caruurta aysan wehlin waalidkooda ee qaxootiga ah ayaa qamriga iyo daroogada ka dhigtay wehel maadaama ay dhibaato ka haysato la qabsashada wadanka iyo hilowga ay u qabaan waalidkooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here