“Caruurta qaxootiga waa in wax laga baraa galmada”

Wasiirada arimaha caruurta iyo sinaashaha Åsa Regnér ayaa wareysi ay siisay telefishinka SVT ku sheegtay in caruurta aan la wehlin ee qaxootiga ah loo baahanyahay in wax laga baro arimaha galmada, wada-noolaashaha iyo xuquuqda dumarka. Wasiirada ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah wiilasha ka yimaada Afghanistan aysan aqoonin sida loola dhaqmo gabdhaha.

Waxay intaasi ku dartay in wiilashaan ay ka yimaadeen bulsho ay kala soocanyihiin gabdhaha iyo wiilasha. Waxay sheegtay in iskuulada laga doonayo in ay muhiimada siiyaan in wax laga baro caruurta soo galootiga ah galmada. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya ka dib markii dhawaan ay soo bexeen in dhalinyaro soo galooti ah oo u badan kuwa ka soo jeeda Afghanistan ay arimo akhlaaq xumo ah kula keceen gabdho Swedish ah, taasoo ay ka midtahay in ay naasaha iyo dabadda ka taabteen.

Maalmahaan ayaa Sweden waxaa ku soo batay dooda ku saabsan in dhalinyarada ka imaanaysa wadamada Muslimka ay u baahanyihiin in la baro xuquuqda dumarka, ka dib dhacdooyinka aan ku soo sheegnay. Dadka qaar ayaa ku doodaya in dabeecada dhalinyaradaan ay salka ku hayso dhaqankooda, halka qaar kale ay leeyihiin arintaas mid u qaas ah ma ahan bulshada Muslimiinta.

Halkaan ka daawo wareysiga wasiirada: http://www.svt.se/nyheter/regionalt/dalarna/ministern-vi-maste-starka-sexualundervisningen-for-nyanlanda

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Ahmed says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 11

  2. nomad says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  3. Jabiiba says:

    Aniga waxay illa tahay arin xun maha wax kasta waxa lagu cabira halka aad joogtid marka hadalka nimankan soo maqorine un somali kaga soo dhigayn dadka eeda soo jeedinayo ayagane waxa leeyahay dib is kugu labta qoralka halkuu kajimid suasha taas waye Mida kle dhalinyaradan aqlaqdaeada lagu arkay Waa dhici karta aqlaaq ahane wax fican maha hada muslim nahay marka maxa KU yaban dadkii aqlaaq xumadas KU dhaqmay jawiga wadankan sweden kajiro hadii lowsheegayo illa dadkan wax tumow wax kuma lahan wax sheeg lee yaqaanaan Mida kle Asxabta waxa u sheega qof hadii qoralkan hore usoo arkay MA is waydiisay dhalinyaro cusub ee Somali ah luuqadina aqon inee jiran hadalkane yuu KU socda isla ayaga maxa u mucaradaysaan hadiba luuqadowdii qoral la KU soo garsin karo dhalinyara kalane is KU xilqamay inee shacab kowda wixii la kudbon inee garsitaan hadalka Waa iga Gabagabe waxa idin leeyahay somaliska halka Ka siiwada dadalkina Wana mahadsantihiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. Nataash says:

    Haa saas waaye ishiis laga arkaa ushiis lagu tumaa waan ku raacsahay nomad.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Nataash says:

    Aniga taas in lagu dhaqmo ma fiicna waxay sheegayan waliba ma xishoonayaan wayba ku waramayan ani waxan dhihi laha dal iyo dad walbaba dhaqan ayay leeyihiin marka dadka muslimiinta ah yeysan ka hoos qaadin dhaqamada xun xun ee ay sheegayan waana mahadsan tihiin soomaaliska thanks.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Nataash says:

    Jabiiba imika fikradada waan la dhacay waad mahadsan tahay,
    Haa saas waaye ishiis laga arkaa ushiis lagu tumaa waan ku raacsahay nomad.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0