Caruurta Soomaalida oo lagu taliyay in luuqadooda wax lagu baro

3

Shir shalay lagu qabtay magaalada Eskilstuna oo ay ka soo qeyb galeen quburo gaaraysa 3000 qof ayaa looga hadlay sida kor loogu qaadi karo heerka waxbarashada ee caruurta soo galootiga, qaasatan kuwa Soomaalida.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay quburo ka kala socota jaamacadaha Mälardalens högskola, Stockholms Universitet iyo Uppsala Universitet oo ka mid ah jaamacadaha ugu afka dheer Sweden.

Quburada ayaa ku talisay in caruurta Soomaalida maadooyinka loogu dhigo labo luuqadood. Swedish iyo Soomaali taasoo ay sheegeen in ay kor u qaadi doonto heerkooda fahanka fasalka. Waxay sheegeen in caruurta Soomaalida ee Sweden ku dhalatay ay xaaladooda fiicantahay balse kuwa cusub ay u baahanyihiin taageero dheeri ah qaasatan sanadka hore.

Talada quburada ayaa ah in fasalka ay joogaan labo macalin oo midna Swedish wax ku dhigayo kan kalena Af-Soomaali ku sharaxayo erayada adag ee aysan fahmin caruurta. Fikradaan ayaan ahayn mid cusub iyadoo horey talooyin nuucaan ah loogu soo jeediyay kamuunada qaar. Shirkaan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here