Caruurta waalidkooda qasabka looga qaatay oo badatay

9

Waxaa badatay caruurta laga qaatay waalidkooda sanadihii dambe sida ay qortay idaacada SR iyadoo sanadkii hore ay 8 000 caruur ah lagala wareegay waalidkooda ka dib markii Hay’ada Socialtjänsten ay u aragtay in xaalada gurigooda ay tahay mid waxyeelo keeni karta.

“Waxaan aragnaa in caruur badan laga qaadayo waalidkooda, taasoo culeys dheeri ah saaraysa shaqaalaha socialtjänsten, guud ahaan waxay culeys saaraysaa dhamaan nidaamka wadanka” ayay idaacada u sheegtay Ing-Marie Wieselgren oo ka tirsan ururka Sveriges Kommuner och Landsting.

Sababaha ka dambeeya kor u kaca caruurta laga qaadayo waalidkooda, ayaa lagu tilmaamay in ay ka dambayso in bulshadu ay badiyeen dacwada ay u gudbinayaan dowlada. Iyadoo caruur badan laga qaadayo waalidkooda ayaa sidoo kale waxaa badatay racfaanka ay waalidiinta ka qaadanayaan go’aamada caruurta looga qaatay.

Ing-Marie Wieselgren ayaa sidoo kale sheegtay in kamuunada qaarkood aysan lahayn aqoon ku filan oo ku saabsan caruurta qasabka looga qaadayo waalidkooda, iyadoo kamuuno badan ay ka cabanayaan in xaalada caruurta laga qaadayo waalidkooda ay mararka qaar tahay mid adag.

Waalidiinta Soomaalida ayaa ka mid ah kuwa laga qaatay caruurtooda, iyagoo marar badan ay dhacday in caruurta laftooda ay waalidka dacwo ka gudbiyeen ama iskuulka uu dacwad ka gudbiyay. Sababaha ugu badan ee caruurta looga qaato Soomaalia ayaa ah in caruurtu ay sheegeen in la garaacay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here